Haqabtirenews.com
Marco Verratti oo ku sii dhawaanaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo PSG.
April 26, 2016 - Written by admin
">

(Paris) 26 Abriil 2016 Laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG Marco Verratti ayaa ku sii dhawaanaya inuu heswhiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa.

Calcio Mercato ayaa shaaca ka qaaday in PSG ay soo hordhigtay Marco Verratti heshiis cusub oo ku eg ilaa 2021, waana hal sano oo dheeraad ah maadama qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay 2020.

Marco Verratti ayaa diirada u fuulay kooxo badan oo ka dhisan qaarada yurub sida Barcelona, Real Madrid, Chelsea iyo Man United kuwaas oo dhamaantood doonaya inay tartan u galaan saxiixiisa dhamaadka xiliciyaareed kan.

Laakiin PSG ayaa doonaysa inay ku niyad jabiso kooxaha xiisaynaya Marco Verratti ka saxiixida heshiis cusub ka hor inta uusan dhamaan xiliciyaareed kan.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News