Haqabtirenews.com
LA OGAADAY: Waxa Ay U Baahan Tahay Inay Man City Sameyso Si Ay U Celiso Real Madrid Una Gaarto Finalka Champions League.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Sidee uga badin kartaa Real Madrid? Kooxda Galaticos, koox ay ka buuxaan xiddig waa weyn oo magac dunida ku leh. Sideed ku celin kartaa? waa su’aasha uu caawa isweydiinayo tababare Manuel Pellegrini.

Iyadoo heysta Gareth Bale, Toni Kroos, Marcelo, Karim Benzema, James Rodriguez, Sergio Aguero waana ku sii socon karaa liiska, waa ay adag tahay in gabi ahaanba la celiyo koox ay xiddigahaas joogaan.

Laakiin marka la fiiriyo tirooyinka, waxaa jiri karta hal xal oo ay Manchester City u heli karto inay ku celiso Real Madrid kulamada wareega afar dhamaadka.

If Manchester City want to be celebrating in Madrid next week, they'll need to stop one man particularly, first

Waa kaliya seddex erey oo sahlan: Celi. Cristiano. Ronaldo

Waxa ay u muuqataa taasi wax iska cad, laakiin xaqiiq ahaan saameynta Ron waa ay ka qoto dheer tahay inta laga yaabo inaad ka ogtahay.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa saameyntiisa Champions League ee xilli ciyaareedkan ay tahay mid geesininmo ah.

Cristiano Ronaldo has been in imperious form in the Champions League this season

26ka gool ee ay Real Madrid ka dhalisay xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, CR7 waxa uu gacan ku lahaa 20 ka mid ah.

Haddii ay tahay inuu isaga shabaqa soo taabanayo ama inuu u dhigayo asxaabtiisa kooxda, Ronaldo ayaa saameyn ku lahaa goolasha Real oo dhan marka laga reebo lix gool, waana inuu saameyn ku lahaa boqolkiiba 77 goolasha Real ee Champions League.

Waana rikoor cajaa’ib leh.

Manchester City were drawn against Real Madrid for their first ever Champions League semi-final showdown

Ronaldo ayaa dhaliyay 16 gool oo Champions League ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu caawiye ka ahaa afar gool kale.

Waana labo jibaarka goolasha ay dhaliyeen ciyaartoyda kale ee ku soo xigta, xiddigaha Bayern Munich Robert Lewandowski iyo Thomas Muller iyo sidoo kale xiddiga Barcelona Luis Suarez.

Caawintiisa ayaa iyadana meel sarre ku jirta, kaliya waxa uu hal caawin ka hooseeyaa, xiddiga Bayern Munich Kingsley Coman, xiddiga Arsenal Alexis Sanchez iyo xiddiga Barca Neymar.

Real Madrid ace Cristiano Ronaldo has scored 16 Champions League goals this season, assisting on four others

Sidaasi darteed haddii kooxda Manuel Pellegrini ay wax rajo ah ka qabto inay gaaraan finalka Champions League ee Milan, waa kaas qofka ka hortaagan.

Inay helaan difaacyo badan oo gabi ahaanba aamusiya Ronaldo ayaa noqon doonta muhiimadooda koowaad.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News