Haqabtirenews.com
Goolhaye Petr Cech Oo Shaaciyay Sirta Ka Danbaysa In Aan Goolal Badan Laga Dhalin Iyo Sababta Ay Gooldhaliyaashu Ugu Dhibtoodaan Marka Ay Isaga Ka Horyimaadaan.
April 26, 2016 - Written by admin
">

Goolhayaha kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa shaaca ka qaaday sirta ka danbaysa guulaha uu waqtiga dheer ka soo gaadhayay waayihiisa ciyaareed isla markaana uu ku noqday goolhayaha rekoodhka u dhigay Premier Leaque-ga wuxuuna sheegay in uu isticmaalo arin maskax ahaan u dhibaataysa gool dhaliyaasha ka soo horjeeda kooxdiisa.

Petr Cech ayaa xagaagii hore Arsenal kaga soo biiray kooxda Chelsea, wuxuuna bishii December 2015 uu noqday goolhayihii ugu horeeyay ee gaadhay kulamadii ugu badnaa ee aan wax gool ah laga dhalin horyaalka Ingiriiska. Cech ayaa 176 kulan oo Premeir Leaque-ga ah shabiqiisa wax gool ah ka ilaaliyay 14 ka mid ah ayuu Arsenal ku soo qaatay.Cech

33 jirkan heer caalami ee xulka qaranka  Czech Republic ayaa sheegay in uu caga juglayn ku dhibaateeyo gool dhaliyaasha ka soo horjeeda kooxdiisa isla amrkaana uu u diido in ay raaxo ku ciyaaraan taas oo maskax ahaan ku wiiqo ciyaartoyda weerarka.CechPetr Cech oo arimahaas ka  hadlaya ayaa yidhi: “Waxaa jira dariiqooyin badan oo aad dadka ku cabsi galin karto waxaana ka mid ah cadhadaada oo aad muujiso. Qofna ma jecla in aanu waqti haysan, waqtiga oo dhan ayaad qasaysaa adiga oo cadaadis ku abuuraya. Ciyaartoy kasta oo waqti helaan  waxa uu dareemayaa raaxo wuxuuna kaantaroolayaa oo uu ciyaarayaa kubbada, xaqiiqdii si fiican ayuuna u ciyaarayaa”.cech2

Cech oo sharaxaadiisa sii wada ayaa yidhi: “Haddii aanad iyaga waqti siin oo aad cadaadis saarto, markaa aad ayay u adkaanaysaa, anigu waxaan isku dayaa in aanan dadka siin fursad ay raaxo ku dareemaan xaalada ay aniga i wajahayaan, waxayna taasi la micno tahay in ay suurtogal noqoto in ayna gool helin”.petrcech-cropped_1tfmfqhutasj21sqrxtftacp2t

 

 

Petr Cech ayaa sheegay in qofka looga baahan yahay in uu naftiisa aamino wuxuuna yidhi: “Waxaa waajib kugu ah in aad naftaada aaminto, waxaa qasab kugu ah in aad aaminto in aad wax sida saxda ah u qabanayso marka aad kulanka tagto waana in aad diyaar ahaato”.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News