Haqabtirenews.com
WAYNE Rooney : Waan Ku Faraxsanahay Booskaan Cusub Iyo Magaca Cusub Ee ”New Scholes”
April 25, 2016 - Written by admin
">

Kabtanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa soo dhoweeyey dowrkiisa khadka dhexe iyo Magaca cusub ee ay ugu dhawaaqaan taageeriyaasha kooxdiisa.

Kadib bandigii wanaagsanaa ee ciyaaryahan Rashford iyo isfahanka afka hore ee da’yarada kooxda Mancehster United ,waxaa ay keentay in Rooney loo raadiyo boos cusub oo ah khadka dhexe.

”Waxaan ciyaarya seddex ciyaar  xirfadeeyda booska khadka dhexe, waan aqaan shaqada la qabto, waana ka ciyaarikaraa booskaas.

Mar waliba waa ogaa maalin maalmaha kamid ah inaan halkaas ka ciyaaridoono, waxaana in badan daawan jiray Paul Scholes , farsamooyin ayaan ka bartay.

Shaqada uu Rooney qabto ayaa la aaminsanyahay in United wax badan caawindoonto.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News