Haqabtirenews.com
WARBIXIN:France Football Oo Soo Saartay Shaxda Kooxda Da’yarta Yurub Ugu Fiican Xili Ciyaareedkan, Philippe Coutinho, Anthony Martial Iyo Hector Bellerin Oo Shaxdan Ku Soo Baxay.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Majalada caanka ah ee France Football ayaa maanta soo saartay shaxda kooxda da’yarta yurub ugu fiican ee xili ciyaareedkan qaab ciyaareedka fiican soo bandhigtay, waxayna kooxdani ku salaysan tahay ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 23 sano jirka ee qaab ciyaareedka fiican ku soo badhigay horyaalada kala duwan ee yurub.

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa ka mid ah xidigaha magaca leh ee shaxdan ku soo baxya kaas oo tan iyo markii uu Jurgen Klopp kooxda Reds qabtay soo badhigay qaab ciyaareed aad u fiican wuxuuna Reds u dhaliyay 10 gool wuxuuna sameeyay 5 gool caawineed ,isaga oo waliba door wayn ku lahaa sare u soo kaca Reds ee qaybtii danbe ee xili ciyaareedkan. 23 jirkan ree Brazil ayaa hadda ka mid ah xidigaha Reds ugu fiican wuxuuna kooxda Klopp ka caawiyay in ay soo gaadho afar dhamaadka Europa Leaque-ga.

Da’yarka Manchester United ee Anthony Martial ayaa isna shaxkan ku soo baxay kadib markii uu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Old Traffrod uu door wayn ku yeeshay kooxda Louis Van Gaal. Martial ayaa sabab u ahaa in Man United ay soo gaadhay finalka FA Cupka wuxuuna door wayn ku lahaa kulamadii West ham iyo Everton.Martial ayaa Red Devils udhaliyay 14 gool wuxuuna sameeyay 7 gool caawineed.Martial

Da’yarka Tottenham ee Harry Kane oo xili ciyaareedkan hogaaminaya gool dhalinta Premier Leaque-ga isla markaana door wayn ku lahaa horumarka kooxda Spurs ee xili ciyaareedkan ayaa ku jira safka weerarka shexda kooxda sanadka ee France Football. Kane ayaa ilaa hadda Premier Leaque-ga ka dhaliyay 23 gool.Kane ayaa hore ugu soo baxay kooxda sanadka ee Premier Leaque-ga ugu fiican.Kane

Ciyaartoyga afraad ee horyaalka Ingiriiska shaxdan ugu jira ayaa ah difaaca midig ee kooxda Arsenal ee Hector Bellerin kaas oo hore ugu soo baxay shaxda kooxda sanadka premier Leaque-ga ugu fiican wuxuuna markale ku soo baxay shaxda kooxda da’yarta yurub ugu fiican ee ay France Football soo saartay kadib markii uu qaab ciyaareed fician oo joogto ah uu ku soo bandhigay kooxdiisa Gunners.Bellerin

Laba xidig oo ka soo jeeda horyaalka Talyaaniga isla markaana ka wada tirsan kooxda Juventus ayaa shaxdan ku soo baxay kuwaas oo kala ah Pual Pogba iyo Pual Dybala halka horyaalka France ay kaga jiraan laba xidig oo kooxda PSG ka wada tirsan oo kala ah Marco Verratti iyo Marquinhos. Horyaalka Spain waxaa shaxdan kaga jira laba ciyaartoy oo ka kala tirsan kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid waxayna kala yihiin Raphael Varane iyo goolhaye Oblak halka uu hal ciyaartoy kaga jiro horyaalka Germany waxaana ku soo baxay David Alaba oo Bayern Munich ka tirsan.Pogba and Dybala

HALKAN KAGA BOGO SHAXDA KOOXDA DA’YARTA YURUB UGU FIICAN EE AY FRANCE FOOTBALL SOO SAARTAY:

 

 

 

 

Liverpool, Man United stars, Harry Kane & Hector Bellerin in worlds best U23 team [France Football]

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News