Haqabtirenews.com
WARARKA WARGEYSYADA-: Mourinho – Man Utd, weeraryahan £ 23.5m lagu qiimeeyo oo Spurs ku dhaw, xiddig Liverpool ah o ganaax waqti dheer wajahaya.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, meelkasta oo aad joogtaan kusoo dhawaada wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo sheekooyinka wargeysyada.

DAILY MIRROR :Tottenham oo isku diyaarineysa in £ 23.5million ugu dhaqaaqo weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette.

DAILY STAR : Mamadou Sakho ayaa wajahaya ganaax , ka dib markii uu ku guuldareystay bartitaan caafimaad oo daroogada ah Liverpool ayaa ka shakisay xididgan kulankii Europa League kulanka ee Manchester United March 17 ka dib.

SIDOO KALE: Tababaraha kooxda Leicester Claudio Ranieri ayaa xisaabta ku daray in Riyad Mahrez uu yahay xiddiga kaliya ee kooxdiisa wax walba u qaban kara.

DAILY Express : Manchester United ayaa ku dhawaaqi doonta Jose Mourinho, labada todobaad ee soo socta gudahood ka dib markii uu saxiixay heshiis uu ku bedelayo Louis van Gaal.

SIDOO KALE: Rafa Benitez ayaa xaqiijisatay kadib kulankii Anfield inuu ka badbadin karo heerka labaad kadib markii Newcastle ay kasoo noolaatay 2-0 la geeyay.

DAILY MAIL:  Eden Hazard ayaa dhaliyay gool koowaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan waxaana uu ku sheegay tababarihiisa inuu bandhig fiican kusoo laabtay

Mourinho-663904

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News