Haqabtirenews.com
SUUQA KALA IIBSIGA: PSG oo Eden Hazard £70 milyan kusoo xero gelineysa, xili Real Madrid qorshahan ka dhamaatay.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Paris Saint-Germain ayaa u dhaqaaqi doonta, lasoo wareegida xiddiga Chelsea Eden Hazard xagaagan.

Kooxda Faransiiska ah ayaa u qoondeeyay xiddiga garabka ka ciyaara £ 70 milyan in ay kula soo wareegaan xagaaga dambe.

Hazard ayaa todobaadkii hore shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay nolosha Chelsea, laakiin dareenka xiddiga reer Belgium ayaa la ogsoon yahay inuu yahay ka taagista garoonka Stamford Bridge.

Real Madrid ayaa muddo dheer suuqa ugu jirta 25-sano jirkaan, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa haatan ay u badan tahay inuu sii joogo Bernabeu, Hazard ayaana taas ay u noqon kartaa dhabar jab.

macalinka cusub ee Chelsea Antonio Conte, ayaa hore meesha kaga saaray suurta galnimo kastaa oo uu xiddigan kaga dhaqaaqayo kooxda Bules.

Hazard wheels away after scoring his second goal at Bournemouth on Saturday

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News