Haqabtirenews.com
“Saaxiib waa tanaa maaliyadeyda NO.10 oo saxiixan.”. Lionel Messi oo oofiyay ballan uu qaaday!
April 25, 2016 - Written by admin
">

Lionel Messi ayaa oofiyay ballan uu ka qaaday laacibka NBA-da dalka mareykanka Stephen Curry ee u safta The Golden State Warriors si uu ugu diro maaliyadiisa NO. 10 ee Barcelona oo saxiixan.

Bishii December Messi ayaa waxaa soo gaaray maaliyad uu u soo diray xiddiga ugu shidan Basketball-ka Cariga Mareykanka kaddib markii uu gaaray laacibka reer Argentina 30-Milyan oo taageerayaal ee baraha bulshada.

Messi ayaa isna u jawaabay saaxiibkii isagoona markiisa u diray maaliyadiisa oo saxiixan  maadaama uu Curry isna gaaray 10-milyan oo taageerayaal.

“Hey ‘maestro’ sida aan ballan qaaday, waa tan maaliyadeyda NO. 10 oo aan kuu soo dirayo,” Messi ayaa sidaa ku yiri muuqaal uu soo dhigay boggiisa Instegram.

Curry2

“Sharaf ayay ii tahay inaan awoodo inaan adiga kula wadaago maaliyadeyda, markastaa waa farxad inaan arko adigoo ciyaaraya.

“Waxaan rajeynayaa inaan arko adigo oo ciyaaraya sanado badan oo soo socda, waxaana kuu rajeynayaa guul kasta oo suuro gal ah. Hab wayn iga hoo.”.

Curry1

curryy Curry3Curry6

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News