Haqabtirenews.com
Luis Figo Oo U Cabsanaya Mustaqbalka Tababare Zidane Ee Kooxda Real Madrid, Maxeyse Tahay Sababta?
April 25, 2016 - Written by admin
">

Kabtankii hore Portugal Luis Figo ayaa soo bandhigay sida uu ugu faraxsan yahay inuu arko saaxiibkiis Zidane oo maamulaya kooxdii ay ku mideysnaayeen ee Los Blancos, balse wuxuu u cabsanayaa shaqadiisa madama natiijo kaliya lagu qiimeyn doono.

Zidane ayaa badalay Benitez bishi January ee sanadkaan waxeyna koxdiisa u muuqata mid ku guulysan karta Horyaalka La Liga iyo sidoo kale koobka Horyaalada Yurub xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee waayahiisa tababaranimo.

Figo and Zidane

Madrid kaliya hal dhibic ayey u jirtaa hogaanka La Liga iyadoo sadex kulan ay ka harsan tahay dhamaadka horyaalka, sidoo kalana waxey todobaadkaan la ciyaari doontaa Manchester City lugta hore Semi finalka koobka Horyaalada Yurub.

Si kastaba Figo ayaa aaminsan in Real Madrid ay badali doonto Zidane hadii uu ku fashilmo inuu koob u qaado kooxda caasimadda ka dhisan.

“Aad baan ugu faraxsanahay in Zidane uu Madrid tababare u noqdo, laba dhinacba, dhan saaxiibtinimo iyo dhan inaan soo wada xiranay maaliyadaan” ayuu yiri Figo o la hadlayay El Mundo.

“Waa nin xishood badan, ah qof aad u dagan, sidoo kalana ah nin shaqo, waa saaxiib wanaagsan iyo tusaalaha Madrid”

“Waxaan u rajeynaya inuu baaqi kusi ahaado sanado badan xilka Madrid, balse booska tababaranimo ee Madrid maahan mid sugan madama ay mar walba ku xiran tahay natiijo qura, wax badan ayeyna badaleen tababarayaashodii”

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News