Haqabtirenews.com
Klopp oo go’aamiyay mustaqbalka Mario Balotelli ee Liverpool.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa go’aamiyay mustaqbalka weerar yahanka amaahda kula jooga Ac.Milan ee Mario Balotelli.

La Gazzetta dello Sport ayaa shaaca ka qaaday in maamulka kooxda AC.Milan ay ku rajo waynyihiin in heshiiska Balotelli ay ka dhigaan mid joogto ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tababare Klopp qudhiisu uusan doonayn in Balotelli uu dib ugu soo laabto Anfield dhamaadka xiliciyaareed kan.

Mario Balotelli ayaa xili hore shaaciyay inuusan ku fikirayn dib ugu laabashada kooxdiisii hore isla markaana uu ku faraxsanyahay joogitaankiisa Milano.

Si kastaba, labada kooxood ayaa lafilayaa inay heshiis ka gaari doonaan mustaqbalka 25 jirka reer talyaani.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News