Haqabtirenews.com
Hiddink oo sheegay in Hazard uu niyad jabsan yahay, lakiin miyuu sii joogi doonaa Chelsea?? Macalinkaa kuu jawaabaya.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Tababaraha kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa si maldahan u sheegay in Eden Hazard uu sii joogi doono garoonka Stamford Bridge xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa garoomada ka maqnaa muddo ku dhow laba bilood ka hor inta uusan soo laaban sabtidii markasoo goolkii ugu horeyay Premier League xilli ciyaareedkan euu dhaliyay kulankii 4-1 kaga badiyeen Bournemouth.

Hazard ayaa ka mid ah ciyaartoyda hoos nu dhaca Chelsea lagu edeynayay, iyadoo Jose Mourinho ka hor inta aan xilka laga qaadin bishii December uu sheegay inuu kamid yahay xiddigo qayaamada isaga,

Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay ku daawanayeen ciyaaryahanka, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegayay in xiddiga Belgian uu soo afjarmay mustaqbalkiisa Bules.

Hiddink ayaa aaminsan in kooxda iyo ciyaaryahanka labadoodaba hada ay ku faraxsan yahihiin waxkasta, islamarkaana la filayo 25 sano jirkaan uu sii joogo Stamford Bridge.

hazard

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News