Haqabtirenews.com
DEG-DEG: Delli Alli Iyo Riyad Mehrez Oo Ku Kala Guuleystay Xidiga Iyo Da’yarka Ugu Fiican Sanadkaan Horyaalka Ingiriiska.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Liecester City iyo xulka Algeria ee qaaradeena Afrika ayaa noqday xidigii horeeyay ee kasoo jeeda qaarada Afrika ee ku guuleysta abaalmarinta xidiga ugu fiican sanadkaa horyaalka Premier league ee PFA Award.

Waxaan haatan si rasmi ah loo soo gabogabeeyay xafladii lagu magaacabayay xidiga iyo da’yarka ugu fiican horyaalka ingiiriska ee PFA Awards waxaana da’yarka ugu fiican hantay xidiga kooxda Tottenham ee Delli Alli kaasoo abaalmarintaan ku garaacay ninka ay isku kooxda yihiin ee Hary Kane, xidiga Liverpool ee Coutinho, xidigaha Everton ee Ross Barkley iyo Lukaku iyo waliba goolhayaha Stoke ee Jack Butland.

Jamie Vadry ayaa isna lagu abaalmariyay goolashii uu dhaliyay 11 kii kulan ee xiriirka ahaa wuxuuna qaatay abaalmarinta ah “Rikoor jabiye” maadaama uu rikoorkaas ka jabiyay Ruud Van Nistelrooy.

Riyaz ayaa yiri “Cid waliba oo ii codeysay wey mahadsan tahay, waxaan wlai ku jirnaa riyo, tani waxay farxad u tahay nafteyda, qoyskeyga, kooxdeyda iyo dhamaan taageerayaasha”.

Riyad-Mahrez

Delli Alli ayaa isna yiri “Wey mahadsan tahay cid wlaiba oo ii codeysa waan ka xumahay inaan caawa halkaan joogin sababtoo ah beri waxaan leenahay kulan weyn, nasiib wacan iyo habeen wanaagsan ayaan idiin rajeynayaa dhamaantiin”.

Ryan Giggs ayaa ku guuleystay abaalmarin sharafeed maadaama uu ka ciyaaray horyaalka Premier league mudo 25 sano ah

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News