Haqabtirenews.com
Barcelona oo diiradda saartay Javier Pastore.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Barcelona  ayaa la soo warinayaa in ay diyaar garow ugu jirto sidii ay xagaaga Paris Saint – Germain ugala soo wareegi lahayd Javier Pastore.

Argentinian-ka waxa uu lix gool dhaliyey 43 jeer oo uu PSG oloalhan u saftay halka 34 jeer shabaqa u soo taabtay tan iyo 2011 oo uu ku soo biiray.

Marka laga yimaado in uu 200 oo kulan uga soo muuqday ciyaaraha PSG, hadana Pastore waxa uu mushaakil kala kulmay halida boos joogta ah waxaana hada la fahansan yahay in uu qorsheenayo mustaqbalkiisa marka uu xilli ciyaareedkan idlaado.

Sida laga soo xiganayo le10sport.com, Barcelona ayaa dareensan in 26 jirkan uu ku haboon yahay dheesha Spain waxa ayna u dhaqaaqi doonaan xagaaga saxiixiisa.

Pastore sidoo kale laba gool ayuu u dhaliyey Argentina oo uu matalay 22 mar.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News