Haqabtirenews.com
Antoine Griezmann Goolkii Uu Wadnaha Ku Tiray Barcelona Oo Loo Aqoonsaday Goolkii Isbuuca Ee Champions League.
April 25, 2016 - Written by admin
">

Madaxii Awooda lahaa oo uu shabaqa Barcelona dhex dhigay Antoine Griezmann ayaa loo aqoonsaday goolkii ugu fiicanaa isbuca koobka Horyaalada Yurub ee Champions League, abaalmarinta ay bixiso Nissan.

Wiilkaan reer France ayaa gacanta ku dhigay abaalmarintaan markii ugu horeysay xili ciyaareedkaan, kadib markii uu kooxdisa u hogaamiyay iney ka taqalusto difaacdayaasha koobka Barcelona isagoo u gudbiyay kooxdiisa Semi Finalka koobka.

Griezmann

Guushaan taariikhiga ah oo ay Atletico ka gaartay Barcelona ayuu rigoore ku xaqiijiyay markii kabtan Iniesta u xerada ganaaxa kubad gacanta ku taabtay.

Si kastaba Griezmann ayaa abaalamrintaan ku garaacay xidigaha Fernando Torres [Atletico Madrid], Kevin De Bruyne [Manchester City], Arturo Vidal [Bayern Munich] iyo Anderson Talisca [Benfica]

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News