Haqabtirenews.com
WARBIXIN:Lionel Messi, Luis Suarez Iyo Neymar Jr Oo Xalay Jabiyay Rekoodhkii Gool Dhalinta Ee Ay Xili Ciyaareedkii Hore Dhigeen Iyo MSN Oo Rekoodh Cusub Diirada Ku Haya.
April 24, 2016 - Written by admin
">

Saddexda xidig ee Barcelona weerarka uga ciyaara ee Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar Jr ayaa xalay isku dar ahaan dhaliyay 6 gool si ay jabiyaan rekoodhkii gool dhalinta ee ay xili ciyaareedkii hore dhigeen. Luis Suarez ayaa labadii kulan ee ugu danbeeyay dhaliyay 8 gool wuxuuna doorka ugu wayn ku leeyahay in MSN ay jabiyaan rekoodhkii gool dhalinta ee ay xili ciyaareedkii hore aduunka kaga yaabsadeen.

Messi, Suarez iyo Neymar ayaa xili ciyaareedkii hore dhaliyay 122 gool oo tartamada oo dhan ah laakiin iyada oo ay wali xili ciyaareedkan uga hadhsan yihiin afar kulan ayay MSN gaadheen rekoodhkii gool dhalinta ee iyaga u khaaska ahaa taas oo la micno ah in ay markale xili ciyaareedkan dhigi karaan rekoodh kale oo cusub. Saddex kulan oo La Ligaha ka hadhay iyo finalka Copa Del Rey ayay saddexdan xidigan goolal ku darsan karaan 122 gool ee ay xili ciyaareedkan dhaliyeen.

Luis Suarez iyo Lionel Messi ayaa iyaguna xalay dhigay rekoodho kale oo iyaga u khaas ah wuxuuna Lionel Messi noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee  todoba xili ciyaareed oo xidhiidh ah dhaliyay 40 ama wax ka badan, wuxuuna Messi xalay dhaliyay goolkiisii 40 aad ee tartamada oo dhan si uu noqdo ciyaartoygii ugu horeeyay ee 7 xili ciyaareed oo xidhiidh ah gaadhay 40 gool ama wax ka badan.Barcelona - Sporting Gijon

Luis Suarez ayaa isaguna xalay noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee La Ligaha laba kulan oo xidhiidh ah ka dhaliyay min afar gool waxayna gool dhalintani ka caawisay in uu gaadho gooldhalintiisii abid ugu fiicnayd waayihiisa ciyaareed. Luis Suarez ayaa xili ciyaareedkan dhaliyay 53 gool oo tartamada oo dhan ah halka uu kulamada La Ligaha ka dhaliyay 34 gool.

Barcelona - Sporting Gijón

Rekoodhka Gool dhalinta MSN Ee Xili ciyaareedkan:

1-Luis  Suárez: 53 gool

Lionel Messi: 40 gool

Neymar Jr: 29 gool

Isku gayn:  122 gool

Luis Suarez ayaa sheegay in aanu waligii sideed gool ku dhalin laba kulan wuxuuna intaa raaciyay in aanu xataa laba tababare oo isku xiga ka dhalin goolashan. Luis Suarez ooxili ciyaareedkiisii ugu danbeeyay ee Liverpool ku guulaystay kabta dahabka ah ee Yurub ayaa hadda ah xidiga ugu cad cad ee kabta dahabka ah waxayna hore kabta dahabka ah ugu soo wada guulaysteen Cristiano Ronaldo miyay markale ku wada guulaysan doonaan?.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

 

COMMENTS
Latest News