Haqabtirenews.com
TAHRIIBAYAASHII LAGUSOO TAHRIIBAY!!
April 24, 2016 - Written by admin
">

TAHRIIBAYAASHII LAGUSOO TAHRIIBAY!! Sida La Wada Ogsoon Yahay Tahriibtu Waxay Noqotay Aafo Qaran Oo Beryahan Dambe Caan Ka Noqoqtay, Somalida Iyo Dalalka Jaarka Ah Ee Geeska Africa. Haddaba Waxa Lays Waydiin Karaa Waa Maxay Sabata Ay Mushkiladdani Usoo Noqnoqaynaysaa Iyadoo Ay Jiraan Wacyigelin Ballaadhan Oo Beryahan Dambe Ka Jirtay Somaliland Iyo Guud Ahanba Dhulka Somalidu Degto? Ma Jiraan Faham Sax Ah Oo Laga Hayo Arrinta Dhibtani Salka Ku Hayso?, Ma Lays Waydiiyay Cidda Arrintan Masuulka Ka Ah?. Haddaba Si Aan Suaalahaas Uga Jawaabno, Waxan Jeclaan Lahaa Inaan Marka Hore Iftiimiyo Qodobada Dhabta Ah Ee Arrintani Salka Ku Hayso Iyo Waxyaabaha Dhiirigelinaya In Qofku Naftiisa Halaag Geliyo, Waxana Aan Ka Sheegi Karnaa Qodobadan Soo Socda;

1. Tahriibayaashii Shalay (Qurbajooga Maanta): Arrintan Waxa Lagu Tilmaami Karaa, Doorkii Madaxda Qaranka Oo Meesha Ka Maqan Wax Qorshe Cad Oo Dhab Ahna Aan Ka Lahayn Arrintan, Iyadoo Ay Taasi Jirto Ayaa Dawladan Manta Jirta Waxa Lagu Dhaliilaa In Fursadii Yarayd Ee Jirtay Ay Gacanta U Gelisay Dad Qurbo Joog Ah (Diaspora), Iyadoo Golaha Wasiirada, Agaasimayaashii Guud, Badhasaabadii, Iyo Dhamaan Shaqooyinkii Dawliga Ahaa Ay Noqdeen Kuwo Lagu Taxo Dad Ajaanib Ah Oo Aan Ku Kalsoonayn Dalkooda Haystana Dhalashada Dalal Kale Oo Qalaad (Dual Citizenship). Arrintaasi Waxay Si Wayn U Niyad Jebisay Dhallinyaradii Muddada Dheer Waxbarshada Kusoo Jiray Si Naawilaynyna Inay Dalkooda Uga Shaqaysatan Umadoodana Wax Ugu Qabtan, Markay Jaamacaddii Dhamaysteena La Tusay In Shaqadu Ku Xidhan Tahay Keliya Inuu Haysto Passport Ajnebi Ah, Taasi Ay Marlabaad Ku Abuurtay Walaac Iyo Isku Buuqis (Moral Damage). Waxana Uu U Arkay In Xalka Keliya Ee Kusii Noolaan Karaa Yahay Inuu Helo Dhalasho Qalaad Taasina Ay Ku Kelliftay Inuu Si Indho La’a an Ah U Biimeeyo Naftiisa Isagoon Eegayn Khatar Kasto Oo Ka Xigta Yoolkiisa.

2. Tahriibayaasha Maanta (Qurbajooga Berito) Dhalinyarada Ka Qalin Jebisa Jaamacaddaha Dalka (Universities Graduates) Oo Iyaga Laftoodu Doorwayn Ku Leh Arrintan, Sababtoo Ah Waxad Moodaa Inaanay Faham Fiican Ka Haysan In Jaamacaduhu Yihiin Goobaha Ummadda Lagu Horumariyo, Halka Ay Ka Fekerayaan Keliya Inay Shaqo Helaan Waxay Ahayd Inay Ka Fekeraan Siday Iyagu Shaqo U Abuuri Lahaayeen Dadkooda Uga Faaidayn Lahaayen Aqoontii Ay Jaamacadaha Ka Heleen.

3. Shaqo La’aanta (Unemployment Rate) Oo Maraysa Halkii Ugu Xumayd Somaliland, Taasoo Ay Sabab U Tahay Iyadoo Aan Laga Faa’iideysan Dhaqaalaha Iyo Khayraadka Waddanku Leeyahay Iyadoo Lagu Doodi Karo Inuu Ku Filan Yahay Shaqona U Abuuri Lahayd Dhamaan Shacabka Reer Somalialand, Tusaale Ahan Waxa La Awoodi Karaa In Horumar Laga Sameeyo Dhinacyada Kalluumaysiga, Beeraha, Macdanta, Dhuxul Dhagaxda, Iyo Samaynta Wershedo Yaryar (Small And Medium Scale Industries) Si Looga Kaaftoomo Badeecadaha Xad-Dhaafka Ah Ee Inoo Yimaadda, Waxana Hubaal Ah Haddii Maalgelintaas Waddaniga Ah La Abuuro Inaanay Jirayn Ama Ay Yaraanayso Dhallinyaradan Naftooda Halaaga Gelinaysaa. Waxa Jira Maahmaah Caan Ka Noqotay Somaliland Taasoo Xidhiidh La Leh Qurbajooga Kusoo Butaacay Somaliland Taasoo Odhanaysay, Tahriibayaasha Manta Waa Qurbajooga Berito, Qurba Jooga Beritona Waa Madaxda Saadambe.

Gebagebadii, Waxan Qabaa In Arrinta Qurba Jooga Ay Dawladda Somaliland Ku Maamuustay Meeqaam Aad U Sarreeya Oo Ka Badan Intay Xaqqa U Lahaayeen, Iyadoo Indhaha Ka Lalinaysa Meeshana Ka Saartay Dadkii Qolqol Jooga Ahaa Kuwaasoo Markasta Ka Mudan Kana Muhiimsan.

Anigoo Aan Marnaba Dhiirigelinayn Qof Naftiisa Halaag Gelinay (Tahriibta), Waxan Dhaliil Wayn Usoo Jeedinayaa In Dawladda Somaliland Arintaas Ay Doorkeedi Indhaha Ka Jeedisay Iyadoo Waxbadan Ka Qaban Karta Arintaasina Ay Tahay Masuuliyad La Waydiinayo Maalinta Qiyaamaha Maadaama Ay Masuul Ka Tahay Nafta Iyo Maalka Dadka Iyo Dalkaba.

 

Ahmed Saed Abdi,

MPA, Burao University Lecturer.

+25263-634310837

Ahmedyasiin9@gmail.com

COMMENTS
Latest News