Haqabtirenews.com
Sergio Busquets Oo Samirku Ka Sii Dhamaanayo Isaga Oo Aan Ku Qanacsanayn Gaabiska Heshiis Kordhintii Ay Barcelona U Balan Qaaday.
April 24, 2016 - Written by admin
">

Sida ay ku warantay jariirada Sport ee ka soo baxda Barcelona,Sergio Busquets ayaan ku qanacsanayn gaabiska heshiis kordhintii ay Barcelona xidigan u balan qaaday. Sergio Busquets ayuu samirku ka sii dhamaanayaa wuxuuna raagsaday sugi taanka heshiis kordhintii ay Barcelona u soo bandhigtay heshiiskaas oo sare loogu qaadayo mushaarka uu kooxda ka qaato.

Sergio Busquets ayaa ka mid ah xidigaha lama taabtaanka ah ee shaxda Luis Enrique, laakiin Barcelona ayaa doonaysa in ay  heshiiska Busquets cusboonaysiiso dhamaadka xili ciyaareedkan. Laakiin Busquets ayaa u arka inuu waqti dheer sugayay cusboonaysiintiisa qandaraaskiisa Camp Nou.Busquets

Barcelona ayaa la filayaa in ay dhamaadka xili ciyaareedkan ay heshiisyo cusub ay ka saxiixan doonto Sergio Busquets iyo Neymar Jr si ay uga ceshato kooxaha Manchester City iyo Manchester United oo kala doonaya labadan xidigan.
Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

 

COMMENTS
Latest News