Haqabtirenews.com
Leicester Oo King Power Stadium Ku Soo Xasuuqday Swansea City, Leonardo Ulloa Oo Laba Gool Dhaliyay Isaga Oo Booskii Jamie Vardy Buuxiyay Iyo Foxes Oo Talaabo Kale U Sii Qaaday Hanashada Koobka Premier Leaque-ga.
April 24, 2016 - Written by admin
">

Kooxda Leicester City aayaa markale aad ugu sii dhawaanaysa hanashada koobka horyaalka Ingiriiska kadib markii ay garoonkeeda ku xasuuqday kooxda Swansea City waxaana goolashan ka caawiyay Leicester City xidigaha kala ah Leonardo Ulloa oo laba gool dhaliyay isla markaana muujiyay in uu buuxin karo booska Jamie Vardy halka Riyad Mahrez uu dhaliyay goolka furitaanka waxaana goolka afraad dhaliyay Marc Albrighton waxayna sidaa ku heshay saddex dhibcood ay ugu sii dhawaatay hanashada horyaalka.

Leiecester City ayaa soo dhawaysay kooxda Swansea City waxayna Foxes kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay ku sii dhawaato hanashada Premeir Leaque-ga isla markaana ay ka faa’iidaysato jamaahiirta iyo garoonkeeda xamaasada badan. Leicester City ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo uu ganaax kaga maqnaa Jamie Vardy oo xili ciyaareedkan Leicester City u soo hooyay 21 dhibcood.  Claudio Ranieri ayaa badalka Vardy shaxdiisa ku bilaabay  Ulloa.Foxes

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Leicester (4-4-2): Schmeichel; Simpson, Huth, Morgan, Fuchs; Mahrez, Kante, Drinkwater, Schlupp; Okazaki, Ulloa.

Kaydka: Schwarzer, Chilwell, Wasilewski, Gray, Amartey, Albrighton, King.

Swansea (4-3-3): Fabianski; Rangel, Fernandez, Williams, Taylor; Britton, Fer, Cork; Sigurdsson, Routledge, Ayew.

Kaydka:Nordfeldt, Naughton, Amat, Ki, Barrow, Montero, Paloschi.

Qaybta hore ee kulankan ayay Leicester City qabtay shaqadeeda ugu badan waxayna xili horeba kala dhantaashay kooxda martida ahayd ee Swansea City. Daqiiqadii 10 aad ee bilawgii kulankan ayuu  Riyad Mahrez hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa ee Liecester City kadib markii uu qalad xun sameeyay  Ashley Williams uu sameeyay qalad wayn kaas oo kubbad uu iska saarayay ku dhuftay Mahrez, kadib  Mahrez ayaa markiiba Williams ku ciqaabay qaladkiisa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Leicester City hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 30 aad Leicester City ayaa heshay goolka labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay waxaana gool qurux badanoo madax ah u dhaliyay José Leonardo Ulloa kaas oo muujiyay in buuxin karo booska Jamie Vardy, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu soo tuuray  Danny Drinkwater, waxaana markale qalad sameeyay Williams oo Olloa ilaashanayay waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Leicester City hogaanka ku dheeraystay.

Swansea City ayaa dagaal ugu jirtay sidii ay ciyaarta ugu soo labaan lahayd balse difaaca birta ah ee Foxes ayaa awooday in ay ciyaarta natiijadeeda sii ilaashadaan, waxayna qaybta hore ku dhamaatay 2:0 ay Leicester City hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababaraha kooxda Swansea City ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Wayne Routledge iyo Antonio Leroy Fer wuxuuna kaydka uga yeedhayJefferson Antonio iyo Alberto Paloschi laakiin markale Leicester City ayaa wacdaraheeda sii waday.

Daqiiqadii 60 aad Leicester City ayaa heshay goolkeeda saddexaad ee ay ciyaarta ku dishay waxaana markale goolkan Foxes u saxiixay Leonardo Ulloa kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:0 laakiin  Jeffrey Schlupp ayaa marka hore u muuqday in goolkan dhaliyay laakiin kubbada uu difaaco soo celinayay yuu Olloa dhamaystiray.

Leicester City ayaa iska lumisay fursado cadaan ah oo ay goolal kale ku dhalin kartay laakiin ugu danbayn Foxes ayaa helay goolka afrad ee ay jilbaha ugu laabeen kooxda martida ahayd ee Swansea City waxaana goolkan daqiiqadii 85 aad u saxiixay  Marc Albrighton kas oo ka faa’iidaysatay kubbad uu marka hore iska badbaadiyay goolhaye  Fabianski wuxuuna Albrighton uu ciyaarta ku jiray saddex daqiiqo oo kaliya markii uu goolkan dhaliyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:0 ay Foxes ku xasuuqayso kooxda Swansea City.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:0 ay Leicester City ku xaaqday kooxda Swansea City waxayna Foxes yeelatay 76 dhibcood iyada oo saddex kulan oo kaliyi ay ka hadhsan tahay Premier Leaque-ga, waxayna ka warsugi doonaan kulanka Tottenham iyo West Brom.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

COMMENTS
Latest News