Haqabtirenews.com
Ka Hor Kulanka Manchester City Ee Lugta Hore Ee Champions Leaque-ga, Cristiano Ronaldo & Dani Carvajal Oo Dib Ugu Soo laabtay Tababarka Real Madrid Iyo Karim Benzema & Gareth Bale Oo Ka Maqnaa
April 24, 2016 - Written by admin
">

Iyada oo ay laba maalmood oo kaliyi ka hadhsan tahay kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga ee ay Real Madrid booqan doonto Manchester City ayuu Cristiano Ronaldo dib ugu soo laabtay tababarkii maanta ee kooxdiisa laakiin Real Madrid ayaa wali ka walwalsan xaalada Ronaldo, Benzema, Bale iyo Pepe laakiin Carvajal ayaa isna dib ugu soo laabtay tababarkii maanta ee Real Madrid.

Crisitano Ronaldo ayaa kulankii Rayo Vallecano dhaawac ku seegay waxaana shaki laga muujinayay in uu taam noqon doono kulanka lugta hore ee Champions Leaquega ee Etihad Stadium ku dhex mari doona kooxaha Manchester City iyo Real Madrid  balse Ronaldo ayaa maanta qayb ka ahaa ciyaartoydii Madrid ee ka soo xaadirtay xarunta tababarka Madrid ee Valdebebas.

Ronaldo ayaa qayb ka ahaa tababar orod ah laakiin Real Madrid ayaa ka walwalsan xaalada Karim Benzema oo dhaawac looga saaray kulankii Rayo Vallecano waxaana lagu sameeyay baadhitaan inkasta oo ayna wali Real Madrid warbixintiisa shaacin.Real Madrid ayaa si xoogan ugu diyaar garoobaysa kulanka City ee lugta hore ee UCL.

Waxa kale oo tababarkii maanta ee Real Madrid ka maqnaa Gareth Bale oo Real Madrid xalay guul ku hogaamiyay waxaana sidoo kale tababarka Madrid ka maqnaa Pepe balse warka ugu fiican ee uu Zidane helay ayaa ahaa in Dani Carvajal uu ka soo kabsaday dhaawac uu ku maqnaa kulamadii Villarreal iyo Rayo Vallecano. Real Madrid ayaa isniinta u safri doonta Manchester si ay iskugu sii diyaariso kulanka talaada ee lugta hore ee Champions Leaque-ga.

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

 

COMMENTS
Latest News