Haqabtirenews.com
Hazard Oo Kala Doortay Kooxda Uu Doonayo In Horyaalka Qaadaan Xilli Ciyaareedkaan , Tottenham Mise Leicester City ?.
April 24, 2016 - Written by admin
">

Kubad sameeyaha kooxda Chelsea ee Hazard ayaa shaaca ka qaaday in uusan dooneyn in Tottenham ku guuleysto horyaalka Ingiriiska balse Leicester City ay mudan tahay in ay ku guuleysato xilli ciyaareedkaan

waxa uu ku adkeystay in kooxdiisa ay ka go`an tahay in ay garaacan Tottenham oo todobaadka dambe wada ciyaarayaan si Leicester City u sii adkeystaan horyaalka

” Ma doonayo in Tottenham ku guuleysato horyaalka, dhab ahaan Leicester City ayaa si dhab ah u mudan”.

” Kubadda cagta wax waliba ayaa laga filan karaa balse waxaan aad u rajeynayaa in Leicester City ku guuleystaan horyaalkaan” ayuu yiri hazard

” Kulanka Tottenham waxaan galeynaa iyadoo ay naga go`an tahay in aan guuleysanno , waa run waa kulan adag balse natiijadaas ayaan ku qanceynaa” ayuu sii raaciyay Hazard

Qorre: Maxamed cawil cabdi (jeesto)

 

COMMENTS
Latest News