Haqabtirenews.com
War Deg deg ah: Iska Hor Imaad Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Banka Qoolcaday.
April 23, 2016 - Written by admin
">

Iska horimaad ayaa ka dhex dhacay dadka deegaanka qoolcaday ee degmada Salaxlay iyo ciidamada booliska Somaliland

Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay  kadib markii wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  ay maanta geeyeen deegaankaasi  Riig biyood.

Iska horimaadkan dadka deegaanku ay kala horyimaadeen Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhaawaca qaarkii loosoo qaaday xaga magaalada Hargaysa.

Xukuumada Somaliland ayaa mudooyinkii udambeeyay waday mashruuc ay ku xidhayso banka qoolcaday,waxaana mashruucan ka hadlay todobaadkii udambeeyay qaar kamida siyaasiyiinta ka soo jeeda deenka qoolcaday.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Haqabtirenews.com

COMMENTS
Latest News