Haqabtirenews.com
Ururka ATVO Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey 15 Qof Oo Loo Aqoonsaday In Ay Dedaal Muujiyeen Sanadkii Tagay+SAWIRO.
April 23, 2016 - Written by admin
">

Ururka la dagaalanka qabyaalada ee Lagu magacaabo ATVO ayaa munaasibad Balaadhan oo uu Shahaadooyin ku Gudoonsiinaayey 15 Qof oo Loo aqoonsaday in ay Sanadkii Tagay muujiyeen Dedaal dheeri ah dhinacyada Nolosha iyo Ka Shaqeynta Baahiyaha Arimaha Bulshada Ee Gobolka Togdheer Ku Qabtay Hotel City Plza Ee Magaalada Burco.

Munaasibadani Ayaa Loogu Magac Daray “Hibo Iyo Dedaalkeed” waxa ka soo qayb Galay Badhasaab Ku xigeenka gobolka Togdheer ahna Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Mudane Maxamed Diiriye Xayd Mayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad, Dhalinyarada qaybaheeda Kala Duwan Iyo Marti Sharaf Kale oo aad U Tiro Badan.

5

Munaasibad Dhiirigalineedkani Ay Soo Abaabuleen Ururka La Dagaalanka Qabyaalada Ee ATVO Oo Ka Duwanayd Madalahii Hore ee Lagu Qaban Jiray ayaa waxa Ugu Horeyntiiba Faahfaahin ka Bixiyey Gudoomiyaha Ururka ATVO Naasir Aadan Siciid Waxaana Uu Yidhi ” Munaasibadan oo Ah mid Lagu dhiirigalinaayo Dhalinyaradii dedaalka muujisay Sanadkii Tagay ayaynu caawa isugu nimi, kuwaasi oo aanu mudo u kuur galnay Sidii aanu u xuli lahayn Dhalinyaradan iyo Xubnahan Kale, runtii waxa Nagu kalifay In aanu qabano dhiirigalinta Dhalinyaradan si ay uga sii Badiyaan dedaalka ay sameen, Waana markii ugu horeysay ee madal sidan oo kale ah Lagu qabto Magaalada Burco laguna Dhiirigaliyo Dedaalkooda” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka La Dagaalanka Qabyaalada Ee ATVO.

4

3

Geesta Kale Waxa Munaasibadaasi Ka Hadlay Maayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad Waxaana uu Ururka ATVO Ku Bogaadiyey Madal Dhiirigalineedkani ay Wakhtiga Badan Galiyeen isagoona Tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la Dhiirigaliyo Shaqsi Kasta oo Dedaal iyo Karti ka muujiyey Shaqada uu u hayo Bulshadiisa iyo horumarinta Naftiisaba, Maayir Muraad waxa uu sidoo kale Ku Dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Qofku Uu Nolosha Guul Ka Abuuro.

Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Ahna Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Maxamed Diiriye Xayd oo isaguna Kelmado Kooban ka Soo Jeediyey Madashaasi ayaa waxa Uu Ururka ATVO Ku Bogaadiyey Sida ay Inta badan Isaga Xilsaraan Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo sidoo kale Ka Wacyigalinta BulshadaAafada Qabyaalada oo ah Masiibo Qaran.

2

1

Xubno Ka Mid Ah Dadkii La Gudoonsiiyey Shahaado Sharaftan Ayaa Waxa ay Uga Mahad celiyeen Ururka ATVO Sidoa wanaagsan ee ay u dhiirigalinayaan Dhalinyarada Gobolka Togdheer.

Gabagabadii Munaasibadaasi Ayaa Waxa Shahaadooyinkii Lagu Gudoonsiiyey Halkaasi 15 Xubnood Ee Loo Xulay 15-ka Qof Ee Gobolka Togdheer Ee Sanadkii Tagay.

Ugu Dambayn Ururka La Dagaalanka Qabyaalada Ee ATVO Ayaa Inta Badan Ka Shaqeeya Arimaha Bulshada Iyo Dhiirigalintada Dhalinyarada Gobolka Togdheer.

 

 

 

Haqabtirenews.com

Xafiiska Warqabadka.

Burco-Somaliland.

COMMENTS
Latest News