Haqabtirenews.com
Shaxda Rasmiga Ah Ee Rayo Vallecano Vs Real Madrid, Sergio Ramos & Luka Modric Oo Kaydka Ku Jira, Jese & Isco Oo Shaxda Zidane Ku Soo Wada Bilawday Iyo Gareth Bale Oo Soo Laabtay.
April 23, 2016 - Written by admin
">

Real Madrid ayaa marti u ah kooxda  Rayo Vallecano, waxaana Real Madrid kulankan ka maqan Cristiano Ronaldo oo daqiiqadihii ugu horeeyay xili ciyaareedkan seegi doona kulamada La Ligaha, laakiin Zidane ayaa shaxdiisa ku soo bilaabay Jese Rodriguez, waxaana sidoo kale shaxda Madrid ku soo bilawday Kovacic iyo Isco.

Dhinaca kale Gareth Bale ayaa dib ugu soo laabtay shaxda Los Blancos kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu ku seegay kulankii Villarreal.Sergio Ramos ayaa kaydka ku jira waxaana difaaca dhexe ku wada bilawday Pepe iyo Varane. Waxaana sidoo kale la nasiyay Modric iyada oo uu Zidane ka fikirayo kulanka talaadada ee Champions Leaque-ga.

SHAXAHA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:rayo_vs_real_madrid

RAYO VALLECANO: Carlos; Tito, Quini, Amaya, Crespo; Trashorras, Jozabed, Hernandez; Embarba, Miku, Bebe

KAYDKA:

REAL MADRID:Navas; Danilo, Varane, Pepe, Marcelo; Kovacic, Kroos, Isco; Jese, Benzema, Bale

KAYDKA: Casilla, Ramos, James, Nacho, Arbeloa, Vazguez iyo Modric

Qorre: Maxamed cawil (jeesto)

COMMENTS
Latest News