Haqabtirenews.com
Man Utd Oo War Fiican Ka Heshay Doonisteeda Neymar, Arsenal Oo Iska Iibineysa Chamberlain Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah.
April 23, 2016 - Written by admin
">

Maalin wanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Sabti ah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas’uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor qoran yahay.

Barcelona ayaa ka fiirsaneysa inay iska iibiyaan Neymar sababtoo ah ma awoodi karaan inay qandaraas cusub ka saxiixaan. Manchester United iyo PSG ayaa doonaya ciyaaryahanka reer Brazil. (The Sun)

Manchester United ayaa si dhow u la socota xaalada weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazatte. (L’Equipe)

Weeraryahanka amaahda ku jooga Chelsea Radamel Falcao ayaa laga yaabaa inuu ku biiro Roma xagaagan, xiddiga reer Colombia ayaan sii joogi doonin Stamford Bridge ka dib xilli ciyaareed murugo leh uu halkaas ku qaatay. (Corriere dello Sport)

Wargeysyada

Mario Balotelli ayaa loo adeegsan doonaa qeyb ka ah heshiiska ay Liverpool xagaaga ku dooneyso xiddiga kooxda Lazio Lucas Biglia. (Calciomercatoweb)

Chelsea ayaa ka cabsi qabta inay weyso weeraryahan Dominic Solanke ka dib markii uu diiday qandaraas cusub oo ay u soo bandhigeen. (Daily Mail)

West Brom ayaa isha la raaceysa inay xagaaga la soo wareegto labo ciyaaryahan oo Celtic ah James Forrest iyo Charlie Mulgrew. (Daily Record)

Halyeeyga Arsenal Thierry Henry ayaa ugu baaqay kooxda inay la soo wareegaan xiddiga khadka dhexe ee Leicester City N’Golo Kante. (Sky Sports)

West Ham ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula wareegaan Alex Oxlade-Chamberlain iyadoo xiddiga khadka dhexe ee Arsenal la iibinayo xagaagan. (Daily Mirror)

Kabtanka Borussia Dortmund Mats Hummels ayaa xiiseynaya inuu wareego kooxda Manchester City, sida uu sheegay aabihiis. (Daily Mirror)

West Ham ayaa xaqiijisay inay kooxda Valencia kala soo wareegeen 18 sanno jirka Toni Martinez. (Daily Mirror)

Qorre: Maxamed cawil (jeesto)

COMMENTS
Latest News