Haqabtirenews.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyaddeeyay Geeridda Ku timid Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe .
April 23, 2016 - Written by admin
">

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka maxay Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2016, kadib xannuun uu in dhawaydba u jiifay.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa dadka muxtarimka ah ee caanka ka ah guud ahaan Somaliland, qayb weyna ku lahaa halgankii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland, waxanu marxuumku wakhtigan xubin ka ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, isoo ahaa xubnaha ugu firfircoon ee taban-tabada iyo taabo gelinta, fadhigooduna ahaa waqooyiga amareerika ee xisbiga Kulmiye.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
Latest News