Haqabtirenews.com
Liverpool, Chelsea, Juventus iyo PSG oo ku dagaalamaya saxiixa cayaaryahan ka gambis badan Messi & Ronaldo.
April 23, 2016 - Written by admin
">

Sida ay sheegtay idaacadda talkSPORT, laguna qoray boggeeda bulshada,Chelsea iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixa Hatem Ben Arfa.

Laaciban reer France oo hal xilli cayaareed kahor ku fashilmay Newcastle iyo Hull City ayaa hadda wacadaro ka dhiggaya kooxda Nice ee horyaalka dalkiisa.

29 jirkan ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha xilligan ugu shidan qaaradda Yurub, waxaana sidookale wada doonaya Juvemtus iyo  Paris Saint-Germain.

Ben Afra ayaa kubadda ugu raaxeysto sida uu doonayo, waana nuuca cayaaryahan ee uusan dhibin gambiska iyo in la dhibaateeyo daafacyada.

Si waliba,4-tan koox ayaa dagaal adag u geli doono adeeggiisa, xilli uu isagana doonayo inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League-ga.

Hatem Ben Arfa

Qorre: Maxamed Cawil (jeesto)

COMMENTS
Latest News