Haqabtirenews.com
Xog Waran Ku Saabsan Golaha Deegaanka Degmada Burco WQ-Xildhibaan Farxaan Cabdi Aw Xirsi.
April 22, 2016 - Written by admin
">

Waxan Salamaya Dhaman Bulshada reer s/land salan ka dib

Waxan halkan bulshada ugu soo bandhigaya xogta dhabta ah ee ku aadan golaha deganka degmada burco&mayarka burco xogtas oo war bahintu siyabo kala duwan oo xaqiiqada ka fog u qortay bulshada reer burcana u qadan waa ku keentay

Hadaba saxafadu waxay si kal duwan u qortay laba qodob oo kala ah sidan

1.xilka xayuubin marayka ah

2.wasiirka H/guud iyo golaha deganka shir dhex maray oo lagu kala kacay

Sida shacabka reer s/land wada ogson yahay golaha deganka ee degmada burco wuxu ahaa golihi ugu horeeyay ee la maxakamadu dharisay wuxu ahaa golihi ugu horeyay ee iska dhex doortay mayrka & mayar ku xigeenka wuxu ahaa golihii ugu horeyay ee xilwareejin loo sameeyey.

Dhaman qodobadasi waxay idin tusayan isku duubnida & xilkasnimada &dacadnimada wada shaqaynta dhex tala degmada burco shacabkeda&goloheda degankaba sidii ay awel horeba burco gulaha qaranku gadhay ay horseedka uga ahaan jirtay.

Waxan idiin cadaynaya in aanu jirin mooshin aanu soo gudbinay oo goluhu ama xubno golaha ka mid ahi ay ku donayan inay mayarka xilka kaga qadan aniga oo ka mid ah xildhibanada magacyadoodu ku yalan warqada been abuurka ah ee saxfadu qortay

waxan mar labadka bulshada u cadaynaya in aanu jirin khilaaf dhex yaala wasiirka H/guud & golaha deeganka .

Lakin sida aad wada ogsontihiin wada shaqayn ayaa ka dhaxaysa wasarda h/guud &golayasha deganka ee dalka oo dhan

Wada shaqayntas naga dhaxaysa anaga oo sii xoojinayna ayaa golaha deganka burco wuxu casuumay wasiirka wasarada h/guud &guriyeynta anaga oo ugu qado samaynay Hotel new burco halkas oo aanu ku yeelanay kulan sacado qatay ujedada ugu waynina ahayd sadex qodob oo kala ah

1.Mahad celin aanu wasiirka uga mahad celinaynay sidii fiicnayd ee uu wax uga qabtay dib u dhiska biriishka kobaad eeburco.

2.sidii hawlaha guud degmada burco dib u habayn ugu samany lahayd sarfeeygeeda ama jaan goyadeeda taas oo aanu qorshaynaynay sidii loo sixi laha dhaman wixi sarfay qaloocan ama khaldan degmada ku yala khaldka ama qaloocas oo inta badan ay keenan maamulada heer degmo ee u kala danbeeya degmooyinka dalka &sidi loo qaabayn laha biyaha faraha badan ee xiliyada roobka ku soo butaca dhaman suuqyada burco biyahas oo iyagana aanu u samaynaynay qorshihii loogu samayn laha dirineejyo ama bulaacado ay maran

3.waxanu wasiirka ka wada ta shanaynay sidi loo bilaabi lahaa MOOL D/hoose ee burco & W/H/guud ay si wada jira uga dhisayan halkii ay ahaan jireen guryaha POLICE KA halkas oo aanu ka samayndoono dhisme aad u qurux badan oo laba dabaq ah dhismahas oo noqonaya dhisme D/hoose ee burco ay yeelanayso. shacabka reer burcana ku ganacsanaayo dawlada hoose na ka kiraynayso.

UGUDANBAYNTII

Waxan shacabka reer burco uga digaya in dhexdooda laga abuuro carqalado iska horkeena carqaladahas oo ah kuwii shacabka reer burco inta badan la darxumooden carqaladahas oo shacabka reer burco hore ugu keenay inay ka luman janisyo badan oo ay wax ku qabsan lahayeen

Waxan reer burco u sheegaya dadkii ku faani jiray reer burco ayaanu isku dirnay ama ka shaqayn jiray isku dhaca reer burco wali way ina dhex joogan ee il dheerad ah ha lagu eego waxanay haystan shaqale badan oo u shaqeeya oo hadana burco u dhashay shaqalahasi waxay inta badan ka dhex faa, iidaystan xiliyada lagu hawlan yahay horu marinta danta guud ee burco iyaga oo isticmalaya ERAYO QABYALADAYSAN OO SHACABKA ISKAGA HORKEENYAN ,erayadas oo ka bilaabma saami qaybsiga beelaha & reer hebel waa laga bursaday qabtii reer hebel qaybtoodi lama siin IWM

Gabagabo

Waxan halkan uga mahad celinaya dhaman xildhibanada golaha deganka burco ee gacmaha is haysta niyada hamigoduna uu yahay sidi bulshadooda hore ugu marin lahayeen.

Mar labadka waxan u mahad celinaya wasiirka wasarda hawlaha guud oo si fiican noola shaqeeyay mudadii yarayd ee uu xilka hayey dhaman hawlihii qaranka ee loo igmadayna ka so baxay.

Waxan u mahad celinaya dhaman maamulka heer gobol ee sida fiican aanu u wada shaqayno isku midkana aanu nahay.

Waxan halkan uga mahad celinaya dhaman qaybaha kala duwan ee shacabka reer burco

TOGDHEER BAA CALA CALAY MARKU TABAY RAGIISIYE

TOLAYEEY INU LAHAA TAARKU II YIMIDE

  Xildhiban:farxan cabdi Aw xirsi

COMMENTS
Latest News