Haqabtirenews.com
“Hadii Faysal Iyo Jamaal Is Ogol Yihin Anigana Labadaba Waanu Is Ogol Nahaye Ha Ka Baqanina” Cali Guray Oo Ka Hadalay Hadalkii Faysal Cali Waraabe.
April 20, 2016 - Written by admin
">

Cali Maxamed Yuusuf Cali gurey waxa uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe kaasi oo Cali Gurey ku eedeeyey in uu isaga khilaaf kala dhex dhigay isaga iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu cali Gurey kaga Jawaabay Qoraal uu soo dhigay Boga uu ku leeyahay Barta Facebuuga,

Qoraalka uu soo dhigay Cali Gurey ayaa u dhignaa Sidan

“Hadii Faysal iyo Jamaal is ogol yihin anigana labadaba waanu is ogol nahaye ha ka baqanina. Hadii aanay is ogolayn waxan u kala raacayaa sida ay u kala gar leeyihiin. Ka laga gardaran yahay ee dulman baan u hiilin ka gardaran ee wax dulmayana waan ka hiilin waana sidii NNKH eh rasuul keenu ina faray(U HIILI WALAALKAA HADII LAGA GARDARAN YAHAY IYO HADUU GARDARAN YAHAYBA). Danta UCIDna waxay ku jirtaa midnimada UCID oo iyaduna ku jirta in danta Xisbiga laga wada horaysiiyo danaha gaarka ah. Taas shakhsiga mar walba ogolaa hadana ogoli aniga yahay”

 

COMMENTS
Latest News