Haqabtirenews.com
Goolhaye Neuer oo heshiis cusub usaxiixay Bayern & Manchester City oo iska quusatay.
April 20, 2016 - Written by admin
">

Goolhayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer ayaa qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa iyo 2021.

Goolhayaha caalamiga ah ee Germany Neuer ayaa ugu soo dhaqaaqay Allianz Arena kooxda ay ku xafiltamaan Bundesliga ee Schalke xilli ciyaareedka 2011-12,

waxaana uu ahaa halbowlaha Bayern isagoo tan iyo waqtigas ahaa goolhayaha dooqa koobaad ee kooxda Bayern Munich.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in Neuer uu kula biiro doono Pep Guardiola kooxda Manchester City xilli ciyaareedka soo socda, lakiin waxa uu cadeeyay inuu sii joogayo kooxda markii uu heshiis cusub u saxiixay maanta kooxda heysata Horyaalka Jarmalka.

COMMENTS
Latest News