Haqabtirenews.com
Elneny oo Sheegay in Alle uu ka baryay inuusan ku dhibtoon Nolosha England iyo Premier League , ducadaydii Ilaah ayaaa ii aqbalay.
April 20, 2016 - Written by admin
">

Arsenal xiddigeeda khadka dhaxe ugu ciyaara Mohamed Elneny ayaa sheegay in uusan shaki kaga jirin waqtigii uu imaanayay Premier League inuu la qabsan karay  saddex toddobaad gudahood.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Masar ayaa kasoo tagay Basel isagoo u saxiixay bishii Janaayo kooxda Gunners, waxaana uu durbaba noqday xidig muhiim u ah qadka dhexe ee Gunner, isagoo lix kulan oo Premier League ah kusoo bilowday .

Waxa uu ka dhaliyay Barcelona goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal tartanka Champions League .

xidigan 23-sano jirka ah ayaa kooxda koowaad si weyn u laqabsaday, inkastoo,uu sheegay had iyo jeer inuu dareemayay inuu la qabsan karay Arsenal.

“Waan ogahay ma fududa in lala qabsado Arsenal iyo Horyaalka Ingiriiska, laakiin Ilaah ayaa i siiyey in aan si deg deg ah ula qabsado, Alla ayaa mahadas leh ayuu yiri.

muslim

COMMENTS
Latest News