Haqabtirenews.com
Dadka Dega Deegaanada Uu Ka Soo Jeedo Ganacsade Cabdiqani Maxamed Xirsi Oo Isku Raacay In Uu Ahaado Musharax Xildhibaan.
April 20, 2016 - Written by admin
">

Waxgaradka, Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha Faarax Caddaawe (Ciise Muuse) ayaa kulamo gooni gooni ah oo ay todobaadyadii u dambeeyey ku lahaayeen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera waxay ugu dambayn isku raacay in Ganacsade Cabdiqani Maxamed Xirsi (Ina Gaajocadde) uu noqdo murashaxa rasmiga ah ee golaha wakiilada Somaliland uga qaybgali doona doorashada soo socda.

Murashax Cabdiqani Maxamed Xirsi ayaa intaasi ka dib si rasmi ah u shaaciyey murashaxnimadiisa isagoo ka sharaxan gobolka Saaxil musharaxani Xildhibaan ayaa u mahadnaqay madax-dhaqameed ka iyo aqoonyahanka beeshiisa, isagoo uga mahadnaqay inay u garteen xilkaas inuu u qaado iyadoo aan looga maarmi waayin balse loo gartay.

Ganacsade Cabdiqani Maxamed Xirsi ayaa sidoo kale dhankiisa ballanqaaday inuu ka shaqayn doono horumarka iyo midnimada gobolka Saaxil guud ahaan uuna ku dedaali doono inuu bulshada gobolka Saaxil si siman ugu adeegi doono.

COMMENTS
Latest News