Haqabtirenews.com
Wasiir Cadaani oo Caadka Ka Qaaday Cadaalad Darada iyo Eexda Shaqooyinka Dowladda!!
April 19, 2016 - Written by admin
">
Cismaan Saxardiid Cadaani, Wasiirkani Waa Qurbaawi In Badan Dalka Ka Maqnaa, Balse Waxa uu Intii ay Xukuumadaniba Talineysay ahaa Mid Ka Mid ah Wasiirada Ugu Cad-Cad ee Xisbul Xaakimka Muxaafidka ah ee Kulmiye Ka tirsan, Balse Habeenkii Xalay ahaa Waraysi aan Indhahayga Ku Daawanayey, Dhagahaygana aan Ku Maqlayey Waxa uu Cadeeyey Arin Fadeexad iyo Musuq ah oo Xukuumaddu Ku Kacdo Marka Shaqooyinka Dowladda La Qaybinayo?
Mar uu Waydiiyey Mid Ka Mid ah Warfidiyeenada Ka Howlgala Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay In Shaqooyinka Dowladda Si Cadaalad ah Loo Qeybiyo, Waxa uu Wasiirku Isaga oo ka Fiirsanaya Jawaabta Sheegay In aanay Shaqooyinka Dowladda Sidii Saxsaneyd Loo Qeybin, Isla Markaana Meelo Badan Duruufo Gaar ah Lagula Dhaqmo! Haa, Maan Diidin Midhkan Waayo, Waa Xaqiiqada Taala ee Waaqacuna Ka Turjumayo, bal e Dad Badan oo Dhalinyarada Tahriibaysa ahna ay Indhahooda Ku Soo Arkeen, Wasiirku Isaga oo Hadalkiisa Sii Wata Waxa uu Yidhi “ Arinkan Madaxweynuhu Wuu Ka Xunyahay Sida ay Wax u Socdaan, Garo Hadda, Madaxweynuhu Waxa uu Ka Xunyahay Sida Cadaalad Darada ah ee Shaqooyinka Loo Qeybinayo, Madaxweynuhu Wuxuu Ka Xunyahay Musuq-Maasuqa Hadheeyey Shaqo-Qeybsiga iyo Awoodaha Sida Gaarka ah Loo isticmaalayo??
Isweydiinta Ugu Weyn ee Qof Walba Maskaxdiisa Ku Soo Dagdageysa Waxa Weeye, Madaxweynuhu Hadiiba uu Ogaaday in ay Jirto Cadaalad Daro Baahsan oo Shaqooyinkii Yaryaraa ee Dalka Ka Soo Baxayba La Musuqayo, Isla Markaana uu Ka Warhayo Duruufta Dhalinyarada iyo Shaqo la’aanta Baahsan ee Dalka Ka Jirta, Muxuu Wax uga Qaban-Waayey? Muxuu Talaabo Sharci ah uga Qaadi Waayey Qowlaysatada Qalin-shubateyneysa Aayihii Jiilkan Qaranka u Soo Kacaya? Muxuu Madaxweynuhu Talaabo Sharciga Waafaqsan u Marin Waayey Cidkasta oo Tuhunka Noocan ahi Soo galo?? Balse Waa Ayaan Daro Sideeda ah In Waxqabadkiisii Ku Soo Ururay In Uu ka Xunyahay Kaliya??!!
Gari, Alley Taqaanaaye, Wasiirkaa Xalay Wixii Dadku ay Horeba u Ogaayeen, Caadka Ka Sii Qaaday Aniga Dhankayga Dalacsiin iyo Darajo Ayuu Mudan Yahay? Waayo, Wuxuu Ku Dhiiraday in aanu Milil Dushiisa Dhayin ee uu Xaqiiqada Hoose Taabto, Waana Fariin Adag oo uu Dirayey Shacbiga Jamhuuriyadda ku Dhaqan in ay Ka Tashadaan Aayahooda Isla Markaana Masiirkooda Ku Aaminaan Cidii Masiibadan Ka Dulqaadi Lahayd.
Qore: Abdulkadir Salah (Nabaddoon Eidleh)
E-mail: biniidle5@hotmail.com

COMMENTS
Latest News