Haqabtirenews.com
DHALINTA KU DHAMAATAY BADAHA DALKA GUDIHIISA IYO DEBEDIISA YAA U MAQAN ? W/ Q DR BOQORE FARAH.
April 19, 2016 - Written by admin
">
Dhalintu waa ubaxa dalka iyo mustaqbalka ummadani eeganyso ee loo aayi doono hadhaw waa kuwa dalka iyo dadkuba sugayaan maskaxdooda muruqooda iyo manfac laga dhaxlo laakin waa marka la barbaariyo tacab la galiyo ee wax barasho lagu gardaadiyo caqligoodana la dhiso lana dhiiri galiyo lakin waxa loogu bedelay cunfi ,colaad iyo qabyaalad waana ta keentay qalbi jabka iyo inay ordaan iyago miciin bidiya nolo dhaanta tan lagu dhago barjeejey ee taala wadankooda.
waxan anigo ka tiiraanyaysan tacsi u diraya dhamaan dhalinyaradii ku kala geeriyooday badaha dalka gudihiisa iyo debediisa sadexdii shalay bada ber bera liqday kuwii xeebaha galbeedka ku geeriyooday iyo kuwa maanta warkoodu baraha bulshadu ku xidhiidhi iyo warbaahinta qar qiyey ee naxdinta iyo murugada ku beeray dhamaan shacbi waynaha somaliland iyo somaalida kaleba.
Alle qabriga ha u nuuro naxariistisa ballaadhan midigta ha ka galiyo dhamaantood eheladii qarabadii iyo shacabka somaliland, somaliya iyo ummada kale ee islaamka ah ee ay ka bexeena samir iyo imaan ha ka siiyo aamiin aamiin. inta hooyo uur ku taalo iyo ciil maanta gurigedi la jiifta inta jiifka qaban wayday, inta gabal madawi u dumay ee goblan iyo guri madawi u soo hoyday iyo dalka aayo beelay ee dhalintiisi badaha ku dhamaatay alle cawil khayr qaba ha siiyo oo ha ugu bedelo cid kale oo khyr qabta.
qorshe xumada xukuumada iyo qabyaalda xadhkaha goosatay,caddaalad darada qaawan iyo nidaamka qaloocday ayaa masuul ka ah in dhalin yaradii iyagoo mustaqbalkooda ka dayrinaya ay badaha cagta galiyaan iyagoo geeri iyo nolo labdaba kala kulma markay dalkoodi ka huleelaan iygoo ciil iyo tiiraanyo qaba.
hal hayskii ay xisbiga kulmiye ku tiraabi jireen waagii ay mucaaridka ahaayeen wuxu ahaa “UDUB WAY TAGAYSA HA TAHRIIBIN WALAAL” laakiin maanta waxay maraysaa.
“KULMIYE WUU TALIYEE TAHRIIBTAADA WADO” oo macneheedu yahay inay ahyd beer laxawsi iyo sasabasho dhalinyarada lagu qalday si ay kulmiye ugu codeeyaan.
xukuumadani inta u hadhay waxa ka go,an inay cunaqabtyntaa ku hayso dhalinyarada iyo shacbiga si uu dadku u jaah wareero oo aanu u xisaabin hantida la boobaayo iyo xatooyada socota.
SOMALILAND ALLE BAD BAADIYA WAY LEEDAHAY.
W/Q DR BOQORE FARAH

COMMENTS
Latest News