Haqabtirenews.com
Daawo Sawirada Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Biriishyo Dib Udhis Lagu Sameeyay Iyo Kuwo Hada Shaqada Dayactirkooda La Waddo
April 19, 2016 - Written by admin
">
Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaarada H ,Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka Mudane Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan Iyo Waftigii Uu Hogaaminayaay Oo Ay Kamid Ahaayeen Maareyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka S/land Prof Xasan Cali Cismaan Iyo Qaarkatirsan Gudiida Dhsimaha Wadada Sanaag Iyo Togdheer Ayaa Booqday Biriishyada Ay Kamid Yihiin Geed Libaax ,Kala Jab Iyo Dubur Oo Udhaxeeya Magaaloyinka Berbera Iyo Burco Oo Biriishaydaasi Qaarkood Shaqo Laga Qabtay Hada Halka Qaarkale Oo Kamida Biriishayadani Iminka Wax Ka Qabashdooda Uu Usocday Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Waftigiisa
Waxaana Halkaasi Ka Hadalay Maareyaha Wadooyinka Soomaliland Xasan Cali Cismaaan Oo Ku Nuuxnuusaday Sida Ay Biriishayadan Qaarkood Ay Wax Uga Qabteen Halka Qaarka Hadhayna Ay Hadeer Ka Go Anatahay Inay Dayac Tiraan Waxaana Uu Maareyuhu Carabaabay Sida Wakaaalada Iyo Wasaaraduba Ugu Diyaar Yihiin Horumarkasta Oo Dhanka Wadooyinka Ah Maareye Xasan Cali Cismaan Ayaa Dhanka Kale Sheegay In Ujeedada Uweyn Ee Ay Usocsdeen Tahay Ka Jawaabista Baahi Kasta Oo Dhanka Wadooyinka Ah Waxaana Uu Maareyuhu Sheegay In Dooxyadan Ay Hada Shaqadooda Wadaan Horay U Ahaayeen Kuwo Googay Balse Maanta Ay Yihiin Biriishyo Iska Xamilaya Dhibskata Oo Uu Daadku Ku Keeno
Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Guryaynta Iyo Gaaidika Cali Maxamed Xasan Ayaa Dhankisa Tibaaxay Sida Ay Wasaarada Hawlaha Guud Goor Iyo Ayaan Ugu Diyaarka Tahay Waxkaqabshada Biriishyada Iyo Wadooyinkaba Maadama Oo Wadooyinku Yihiin Halbawlaha Isku Socdka Gobolada Dalka Waxaana Uu Wasiirku Ku Bogaadiyay Shaqadan Laga Qabtay Buundooyinka Iyo Biriishyda Wasiirka Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Wakaaklda Wadooyinkuba Diyaar U Yihiin Dar Dargalinta Wadooyinka Soomalailand
Si Kastaba Ha Ahaate Wasiirka Hawlaha Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka Cali Maxamed Xasan Ayaa Tan Iyo Intii La Hoos Geeyay Wakaaalada Horumarinta Wadooyinka Ee Soomaliland Rda Ayaa Kobac Balaadhan Oo Dhanka Horumarka Ah Laga Dareemaya Waxaana Ay Wakaalada Iyo Wasaaraduba Heegan Ugu Jiraan Dardargalinta Hawlaha Ay U Xilsaaran Yihiin
Waftiga Wasiirka Ayaa Sii Wadanaya Maalmaha Soo Socda Safarkooda Waxaana Ay Ku Gaadhi Doonan Gobalada Bariga Soomaliland

COMMENTS
Latest News