Haqabtirenews.com
Shaqaalaha Facebook Oo La Sheegay Inay Codsadeen Olole ka Dhan ah Siyaasiga Cunsuriga Maraykanka Trump.
April 18, 2016 - Written by admin
">

Shaqaalaha shirkadda Facebook, ayaa waqti kasta ka codsada ninka hormoodka u ah shirkadda (CEO) Mark Zuckerberg inay isku dayaan sidii ay uga hor istaagi lahaayeen murrashaxa jagada madaxweyne u tartamaya Maraykanka ee Donald Trump inuu ku guulaysto amma dalka ka noqdo hoggaamiye mustaqbalka.

Mulkiilaha iyo Agaasimaha Facebook Mr. Mark Zuckerberrg, ayaa toddobaadkan si toos ah ugu dhawaaqay halka uu ka taagan yahay siyaasadda murrashaax Trump waqti uu ka hadlayey shir ay ku soo bandhigeen tiknoolaji cusub oo ay shirkadooda ku soo kordhiyeen.

“Waxaan maqlaa codad cabsi leh oo ku baaqaya dhisida gidaar iyo kala geynta dad ay ku tilmaameen in ay yihiin dad kale. Waxa aan maqlaa iyagoo ku baaqaya in ay xannibayaan xorriyatul-qawlka, hoos-u-dhigayaan muhaajiriinta, ganacsiga iyo weliba in ay meesha ka saarayaan isticmaalka internet-ka,” ayuu yidhi Zuckerberg oo marna aan xusin magaca Donald Trump, iskana dhawrayey.

Ninka bilyaneerka ah ee iska leh Shirkadda Facebook, ayaa ololayaasha siyaasadda hore lacag ugu deeqi jiray, balse waqtigan ku jahwareersan cidda uu taageeri lahaa amma murrashaxa uu lacagtiisa u huri lahaa si uu u guulaysto

Geesta, kale shaaqalaaha shirkadda Facebook ayaa bishii hore sameeyey codayn ay Zuckerberg kaga dalbadanaan in shirkaddu isku daydo sidii ay uga hor istaagi lahayd murrashax Trump inuu noqdo Madaxweyne 2017ka.

Waqtigan toddobaad kasta shaqaalaha Facebook waxa ay sameeyaan codayn ku saabsan waxa ay doonayaan in ay ka dalbadaan Zuckerberg inuu hirgeliyo, iyagoo bishii March su’aasha ay soo dhigeen ahayd ‘Waajibaad noocee ah baa Facebook ka saaran inuu ka qaybqaato sidii Trump looga ilaalin lahaa inuu Madaxweyne noqdo 2017ka?’

Waxa is waafaqay shaqaalaha ololaha ay wadaan iyo hadalka uu mulkiilaha Facebook ka dhawaajiyey ee uu kaga soo horjeedo dhawaaqyada Murrashax Trump ka soo yeedhaya, waxaanay u dhaw dahay in shirkadda Facebook bilawdo olole ay kaga soo horjeedo siyaasiga cunsuriga ah ee la yidhaah Donald Trump, kaasoo colaad badan ka samaystay caalamka, gaar ahaan dunida islaamka.

COMMENTS
Latest News