Haqabtirenews.com
Hogaamiyaha Mucaaridka Dalka Kenya Oo Dacwadii Madaxweyne Ku Xigeenka Dalkaasi Ee ICC Joojisay Ku Tilmaamay Wax Aan La Qaadan Karin.
April 18, 2016 - Written by admin
">

Mr Raila Odinga ayaa Cadeeyay in Dacwadii Maxkamadda Aduunka Ee ICC ay Hawada ka saartay danbi la’aana ka dhigtay Madaxwaynaha Kenya ay ujeedkeedu tahay Halaag Qaarad Africa,madaama oo Dacwadani ahayd Sida uu sheegay Hogaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya Oo Horena u Soo Noqday Raysal Wasaare Dalka.

Mr. Raila ayaa sheegay in maxkamadaasi ay ogolaatay in Kenya ay u hanjabto isla markaana go’aankeedii ahaa in ay soo afjarto kiisaskii ka dhanka ahaa madaxda sare ee Kenya uu dib u dhac ku yahay dagaalka ka dhanka ah isla xisaabtan la’aanta ka jirta Afrika.

Geesta kale Raila wuxuu sheegay in kiiskii ka dhanka ahaa Ruto oo dhawaan maxkamada ICC ay soo afjartay iskana deysay inay sii waddo ay arintaasi la macno tahay dhibaato. Wuxuu sheegay in dalalka Afrika ay yihiin dalalka loogu xad gudubka badan yahay xaquuqul insaanka isla markaana ay u baahan yihiin maxkamad caalami ah.

Wuxuu dhawaan Raila sheegay in ICC ay kuguul dareysatay inay xukun ku riddo hoggaamiyeyaasha sare ee Kenya dambi la sheegay inay galeen 2007 markaas oo ay socotay rabsho daba socotay doorasho lagu murmay arintaasina ay murjinayso dadaalada caalamiga ah ee isla xisaabtamid la’aanta lagula dagaalamo.

Asagoo la hadlayay wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP ayaa Raila uu sheegay sidaasi, ICC ayaa daaqada kasaartay ama joojisay dacwado loo heystay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta dabayaaqadii sanadkii 2014 labo asbuuc ka horna waxay sidaas oo kale ujoojisay dacwad ka dhan ahayd madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo nin idaacad wariye ka ahaan jiray oo lagu magacaabo Joshua Arap Sang.

Hogaamiyaha Mucaaradka ayaa Maxkamadda Kula taliyay in ay Sharcigeeda fushato madaama oo ay ku taagan tahay cadaymo muujinaya siday wax u dhaceen sanadkii 2007 oo ciidanku layeen dad shacab ah oo ka soo horjeeda doorashada oo lagu muran sanaa.

COMMENTS
Latest News