Haqabtirenews.com
War Deg Deg Ah Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Diwaan Galinta Codbixiyayaasha.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa wax kabadelis iyo kaabis ku sameeyay Xeerkii Diiwaan Gelinta Codbixiyayaasha ee madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) usoo gudbiyay.
Fadhiga golaha wakiilada Somaliland oo uu saaka shir gudoominayay Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Ciro) ayaa waxaa kasoo xaadiray sagaal iyo konton mudane (59), waxaana wax kabadelka xeerkan  ogolaaday 55 xildhibaan, waxaana diiday 3 xildhibaan, halka  uu ka aamusay hal xildhibaan, gudoomiyuhuna muucodayn.

Sidaasna waxaa ku ansaxay wax kabadelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Somaliland.

COMMENTS
Latest News