|
|||||
Haqabtirenews.com
Shaxda Rasmiga Ah Ee Bournemouth v Liverpool – Tababare Jurgen Klopp Oo 10 Bedel Ku Sameeyay Shaxdiisa. Da’ Yar Badana Ku Soo Bilaabay.
April 17, 2016 - Written by admin
">
Tababare Jurgen Klopp ayaa 10 bedel ku sameeyay shaxdiisa kulanka ay u safreen maanta kooxda Bournemouth isagoo labo xiddig oo da’ yar ah siiyay fursadoodii ugu horeysay oo ay ku ciyaaraan Premier League. Danny Ward ayaa kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka ku soo bilaabanaya goolka, halka Connor Randall uu isna kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka u ciyaarayo Reds isagoo hore u saftay afar kulan oo League Cup ah. Kaliya Roberto Firmino ayaa ka badbaaday shaxdii uu Klopp kala hortay Borussia Dortmund ee ay kaga badiyeen habeenkii khamiista. Brad Smith ayaa isna ku soo bilaabanaya kulankiisii ugu horeysay ee Premier League axaana uu difaaca k garab ciyaarayaa Kolo Toure iyo Lucas Leiva oo ah kabtanka kulanka maanta. Joe Allen ayaa isna dhexda ku soo bilowday waxa uu ka garab ciyaarayaa Kevin Stewart, iyadoo Sheyi Ojo iyo Jordon Ibe ay garbaha ka ciyaarayaan. Daniel Sturridge ayaa hogaaminaya weerarka, seddex maalmood ka hor kulanka Merseyside derby ee ka dhacaya Anfield. SHAXDA RASMIGA AH: Bournemouth: Boruc, Francis, Elphick, Cook, Daniels, Ritchie, Gosling, Surman, Stanislas, Gradel, King Keyd: Federici, Wiggins, O’Kane, MacDonald, Pugh, Grabban, Wilson Liverpool: Ward, Randall, Toure, Lucas, Smith, Allen, Stewart, Ibe, Ojo, Firmino, Sturridge. Keyd: Mignolet, Milner, Coutinho, Sakho, Lallana, Origi, Flanagan. Waxa qoray: maxamed cawil (jeesto)
COMMENTS
|
Latest News
|