Haqabtirenews.com
Mourinho Oo Asxaabtiisa U Sheegay Inuu Noqonayo Macalinka Man United Xilli Ciyaareedka Danbe – Wuxuuna Kooxda La Imaanayaa Gonzalo Higuain.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Jose Mourinho ayaa hubanti u heysta inuu noqonayo tababaraha Manchester United xilli ciyaareedka danbe, waxaana uu 70 milyan ginni ugu dhaqaaqayaa weeraryahan Gonzalo Higuain, sida ay qortay jariirada Sunday People.

Xiddiga reer Argentina ee Napoli Higuain ayaa durbaba dhaliyay 32 gool xilli ciyaareedkan, waxaana ay kooxda Napoli duldhigtay adduun lacageed oo gaaraya 95 milyan ginni.

Laakiin iyadoo kaliya ay qandaraaskiisa kaga harsan tahay labo sanno, kooxda Serie A ka dhisan ayaa la filayaa inay hoos u dhigto qiimaha 28 jirkaan.

Mourinho-Higuain-Manchester-United

Tababarihii hore ee Chelsea, Real Madrid iyo Inter Milan ayaa u sheegay kooxda heysata horyaalka Faransiiska iyo asxaabtiisa ugu dhow dhow isbuucii hore inuu qaban doono shaqada Old Trafford xagaaga

Louis van Gaal lama filayo inuu shaqada sii heysto inkastoo ay kooxdiisa u soo gudubtay wareega afar dhamaadka koobka FA Cup.

Mourinho ayaana durbaba ka shaqeynaya xiddigaha diirada u saraan oo ay ku jiraan Higuain iyo xiddiga da’da yar ee kooxda Benfica ee khadka dhexe Renato Sanches.

COMMENTS
Latest News