Haqabtirenews.com
Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha Dalka Brazil Oo Dalkaasi Ka Socda Iy Dibad Baxyo Ka Jira Dalkaasi.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Dibad baxyo waaweyn ayaa waxa ay ka dhacayaan dalka Brazil, iyadoo baarlamaanka dalkaasi uu ka doodayo haddii xilka laga qaadayo madaxweyne Dilma Rousseff iyo in kale.

Madaxweynaha waxa ay dadkeena ku baraarujineysaa inay dibadda u soo baxaan si nabad iyo dimuquraadiyad ah.

Halkii ay ka qeybgali lahayd isu soo baxyada ayada lagu taageerayo, waxa ay aaday wadahadallo ay la lahayd xubno ka mid ah baarlamaanka ka hor codeyn baarlamaanka ee maanta.

Waxaa lagu eedeeyay inay marin habaabisay akoonada dowladda ka hor intaan dib loo dooran 2014kii.

Si xilka looga qaado, mucaaradkeeda waxay u baahan yihiin inay helaan seddax meelood laba meel codadka baarlamaanka.

Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in natiijada ay aad isugu dhowaan doonto.

Hase yeeshee, meel uu ka dhacay isu soo bax, Eleonora Menicucci, oo ah wasiirka arrimaha haweenka, waxa ay sheegtay in tallaabada ka dhanka ah Ms Rousseff ay saameynteena meel fog gaartay.

Madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff, waxa ay beenisay dhammaan eedaha loo jeediyay , waxayna mooshinka ku tilmaamtay in uu yahay afgembi ka dhan ah dalka dimuquraadiyadiisa.

 

Source BBC

COMMENTS
Latest News