Haqabtirenews.com
Manchester City Oo Stamford Bridge Ku Soo Dubatay Chelsea, Super Sergio Leonel Agüero Oo Saddexley Ku Soo Burburiyay Blues, Goolhaye Thibaut Courtois Oo Dhamadkii Ciyaarta Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Sky Blues Oo Soo Gaadhay Guul Dahabi Ah.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Manchester City ayaa kooxda Chelsea ku soo dubatay Stamfrod Bridge waxaana Sky Blues guushan muhiimka ah ka soo caawiyay Sergio Aguero oo kulankanka dhaliyay saddexley isaga oo noqday ciyaartoygii saddexaad ee isaga oo marti ku ah Stamfrod Bridge waxaana uga horeeyay Van persie iyo Kanu. Man City ayaa sare u soo qaaday hamigeeda ah in ay kaalinta afraad ku dhamaysato Premier Leaque-ga isla markaana ay wali sii baacsado kooxaha ka sareeya.

Chelsea ayaa Stamfrod Bridge ku soo dhawaysay kooxda Manchester City, waxayna City kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay sii xoojisato kaalinta afraad oo ay tartan kagala kulmayso kooxaha Manchester United, West Ham iyo Liverpool halka Chelsea ay doonaysay in ay ka soo kabsato guuldaradii ka soo gaadhay kooxda SSwasnsea City.

Tababare Guus Hiddink ayaa kulankan shaxdiisa dib ugu soo celiyay xidigaha kala ah Willian, Diego Costa, Gary Cahill iyo Thibaut Courtois iyaga oo badalay Asmir Begovic, Matt Miagza iyo Alexandre Pato oo shaxda Blues ku soo bilawday kulankii Swansea City.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Chelsea  (4-2-3-1): Courtois; Azpilicueta, Ivanovic, Cahill, Rahman; Fabregas, Mikel; Willian, Loftus-Cheek, Pedro; Costa.

Kaydka:Begovic, Miazga, Matic, Kenedy, Falcao, Traore, Pato.

Manchester City  (4-2-3-1): Hart; Zabaleta, Otamendi, Mangala, Kolarov; Toure, Fernandinho; Navas, De Bruyne, Nasri; Aguero.

Kaydka: Caballero, Sagna, Demichelis, Fernando, Delph, Iheanacho, Bony.

Labada kooxood ayaa qaybta hore si xoogan goolal ku raadinayay iyaga oo abuuray fursado badan oo goolal lagu dhalin karayay. Chelsea ayaa u muuqatay bilawgii ciyaarta in ay Man City dhibaato wayn ku abuuri karto laakiin Sky Blues ayaa dhinacooda soo bandhigay ciyaar dheeli tiran.Bilawgii ciyaartaba De Bruyne ayaa fursad cajiib ah helay laakiin kubbad uu Aguero u soo hormariyay goolka Chelsea ayaa

kadib fursad abuuris iyo weearar iyo weerar celis Manchester City ayaa daqiiqadii 24 aad u muuqatay in ay goolka furitaanka kadib markii ay Yaya Toure iyo De Bruyne ay si fiican iskugu xidhmeen laakiin goolhaye  Courtois ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah si uu kooxdiisa halis uga badbaadiyo. De Bruyne oo markii ugu horaysay dib ugu soo laabtay Stamford Bridge tan iyo markii uu ka baxay kooxda Blues ayaa goolka Blues kubbad kula soo baxay laakiin Courtios ayaa lugta kubbada ku badbaadiyay.

Daqiiqadii 26 aad Samir Nasri ayaa markiisa kubbad halis ah ku hor helay goolka Chelsea laakiin markale Courtios ayaa lugtiisa u isticmaalay in uu halista markale iska saaro, waxayna Manchester City u muuqatay kooxda waqti kasta laga filan karo goolka furitaanka inkasta oo ay Chelsea dhinaceeda dadaal ka waday.

Dhinaca kale Pedro ayaa ku dhawaaday in uu Chelsea udhaliyo goolka furitaanka isaga oo bartilmaameedsaday goolka Man City laakiin  Nicolas Otamendi ayaa awooday in uu kubbada ka soo qabto xariiqada goolka kooxdiisa si uu Chelsa iyo Pedro uu goolkan uga beeniyo. Goolka Man City ayuu Hart ka maqnaa waxaana goolhaye sii noqday Otamendi kaas oo si cajiib ah jililbkiisa ugu badbaadiyay wax u muuqday gool cadaan ah.

DAQIIQADII 33 aad ugu danbayn Manchester City ayaa fursad abuuristeeda uga faa’iidaysatay in ay gool u badasho waxaana goolkanu saxiixay Sergio Leonel Agüero kaas oo ka faa’iideeyay kubbad cajiib ah oo uu ka helay Kevin De Bruyne oo kubbad kala soo baxsaday dhinaca midig isaga oo Abdulrahman Baba soo kala dhantaalay, wuxuuna markaa hore Aguero u muuqday in uu la daahay darbadiisa laakiin waxa uu kubbada ka farsamaystay difaaca Chelsea ka hor intii aanu kubbad xoogan ka tuurin meel ka baxsan xerada ganaaxa Blues.

Courtios ayaa markan awoodi waayay in uu badbaadiyo goolka Aguero, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Manchester City hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Sergio Agüero ayaa sidaa 11 gool ugu dhaliyay Man City 12 kii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League-ga uu u ciyaaray.

Dhinaca kale Kevin De Bruyne ayaa sameeyay gool caawintiisii 11 aad ee waayihihiisa ciyaareed ee premier Leaque-ga laakiin goolka uu Aguero ka caawiyay ayaa noqday gool caawintiisii ugu horaysay ee Premier Leaque-ga oo uu ka sameeyay garoon uu marti ku yahay. Gool caawintiisii ugu horaysay ee Premier Leaque-ga waxa uu sameeyay 18-ki Augus 2013 wuxuuna ku sameeyay isla Stamford Bridge oo uu markale ku sameeyay gool caawintiisii ugu horasyay ee isaga oo marti ah.

Manchester City ayaa markale sii waday qaab ciyaareedkeeda fiican ee ay Stamfrod Bridge ku soo badhigaysay laakiin inkasta oo ay fursado kale abuurtay waxay qaybta hore ku dhamaatay 1:0 ay Citizens hogaanka ciyaarta ku haysay.Goolka Aguero ayaa sabab u noqday in Chelsea ay tobankii kulan ee ugu danbeeyay Premier League-ga oo ay ku ciyaaray Stamford Bridge ay shabaqeeda ilaashan kari wayday.

Markii layskugu soo laabtay qaybta danbe Chelsea ayaa  soo laabtay iyada oo ku socota dardar xoogan isla markaana raadinaysa goolka barbaraha iyo qaabkii ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd laakiin Blues ayaa ku dhibtoonaysay in ay ka faa’iidayso fursadaha badan ee ay markiiba abuurtay.

DAQIIQADII 45 aad Manchester City ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay waxaana markale gool qurux badan City hogaanka ugu dheereeyay  Sergio Leonel Agüero kaas oo markan ka faa’iideeyay shaqo cajiib ah oo uu soo qabtay Kevin De Bruyne isla markaana uu Samir Nasri door wayn ku lahaa isla markaana sameeyay gool caawinta goolka labaad ee Aguero, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay City hogaanka ku dheeraysatay.

FAALO:  Goolkan ayaa ahaa goolkii 20 aad ee uu Sergio Aguero xili ciyaareedkan ka dhaliyay Premier Leaque-ga, waana xili ciyaareedkii saddexaad oo uu dhaliyay 20 gool iyo wax ka badan oo horyaalka Ingiriiska ah shantii xili ciyaareed ee uu joogay Etihad Stadium. halka uu markii afraad gaadhay 20 goo ama wax ka badan lixdii lixdii sano ee ugu danbeeyay.Aguero ayaa 12 kii kulan ee ugu danbeeyay Premier Leaque-ga ka dhaliyay 12 gool.Photo published for Chelsea 0-0 Manchester City LIVE: Follow the Premier League action

Kevin De Bruyne ayaa soo laabashadiisii ugu horaysay ee Stmamford Bridge ku suntay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhibaato aan aan caadi ahayn ku abuurayay difaaca Chelsea.Daqiiqadii 65 aad goolhaye  Courtois ayaa Samir ka beeniyay goolka saddexaad ee Man City isaga oo kooxdiisa ka ilaaliyay gool kale oo ceeb ku sii kordhin lahaa.

Daqiiqadii 70 aad Guus Hiddink ayaa laba badal isa soo raaciyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Willian Borges Da Silva iyo Pedro Rodriguez isaga oo ciyaarta soo galiyay Bertrand Isidore Traore iyo Robert Kenedy. Sidoo kale Pellegrini ayaa ciyaarta ka saaray Samir Nasri kaas oo u muuqday in ay jugu soo gaadhay waxaana lagu soo badalay Fabian Delph.

WAQTIGI WAALIDA CIYAARTA: Daqiiqadii 79 aad xaalada Chelsea ayaa xumaan iyo mid ka sii daran isku badashay kadib markii uu  Fernandinho soo kala dhantaalay difaaca Chelsea isla markaana uu kubbad hal-ka -hal ah uu kula soo baxay goolhaye Courtios, markii uu xerada ganaaxa soo gaadhay ayuu si fiican kubbada uga farsamaystay taas oo keentay in Courtios uu qalad aan cudur daar lahayn uu ku galo  Fernandinho taas oo keentay in kaadhka cas oo toos ah loo taago isla markaana City loo dhigo rekoodhe.

Thibaut Courtois ayaa markiiba arkay qaladkiisa wax kale oo uu sameeyo oo kale muu haysan kaliya waxa uu sameeyay doorashadii ugu fiicnayd laakiin dhibatiisa ayaa noqotay in Fernandinho uu sameeyay maskax badan waxaana ciyaarta laga saaray John Obi Michael si goolhaye Asmir Begović uu ciyaarta u soo galo.

daqiiqadii 80 aad  Sergio Leonel Agüero ayaa helay fursada ugu fiican ee uu ku dhamaysan karo saddexleyda uu raadinayay wuxuuna qaatay kubbada si uu u tuurto rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay, Aguero ayaa jahada qaldan u diray Asmir Begovic wuxuuna sidaa kula yimid saddexleyda uu ku dhaliyay Stamford Bridge isaga oo ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Man City ku dubanayso Blues. Goolkan ayaa ahaa goolkiisii 21 aad ee uu Premier Leaque-ga ka dhaliyay xili ciyaareedkan, wuxuuna sare u soo qaaday hamigiisa kabta dahabka ah ee gool dhalinta Pl.Aguero

FAALO:  Sergio Aguero ayaa noqday ciyaartoygii saddexaad ee saddexley ku dhaliyay Stamford Bridge oo uu marti k uyahay waxaana ka horeyay van Persie iyo Kanu, laakiin goolhaye Coutios ayaa isna noqday goolhayihii lixaad ee hal xili ciyaareed laba kaadh oo casaan ah ku qaatay kulamada premier Leaque-ga.

 

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 ay Man City ku soo dubatay Chelsea oo kulankan soo badhigtay qaab ciyaareed aad u liitay waxaana kooxda Guus Hiddink soo gaadhay guuldaradii labaad oo xidhiidh ah halka City ay sare u soo qaaday hamigeeda ah in ay kaalinta afraad ku dhamaysato isa markaana ay sii baacsado kooxaha ka sareeya ee Leiceser City, Tottenham iyo Arsenal.

COMMENTS
Latest News