Haqabtirenews.com
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socota Dalka Dalka Kuwait +SAWIRO.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida heer qaran ee abaaraha, ayaa dhinaca dawladda Kuwait-na, ururkooda samafalka oo lagu magacaabo bulshada soo noolaynta dhaxalka islaamka (Revival of Islamic Heritage society, State of Kuwait), waxa hogaaminaayey sheikh Jasem Mohamed Al-enati oo ah gudoomiyaha guddidaasi ee Afrika xubnona ka ahaayeen, Dr Farhan Obaid Alshammari, Abdullah Murshed Alenizi iyo Bader Mohamed Alajmi, ayaa fadhi qaatay saacado madaxweyne ku xigeenka iyo guddida abaaraha la yeeshay.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay weftigu dalka u yimaadeen si ay uga jawaabaan qaylo-dhaantii abaarta ee madaxweynuhu diray. Weftigan oo shalay soo gaadhay dalku waxay dalka gudihiisa ka iibin doonaan raashin ku filan 2,000 oo qoys, kaas oo ay farta ka saaridoonaan guddida abaaraha ee heer qaran oo iyaguna gaadhsiindoona meelaha ay baahidu ka jirto.

Waxa kale oo ay weftigu balan qaadeen sida uu sheegay wasiirka diinta iyo Awqaaftu, inay ka qaybgelidoonaan wax ka qabashada abaaraha soo noq-noqday, iyo qodida ceelal biyoodyo iyo balliyo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa gunaanadkii kulanka u mahadnaqay weftiga ururka samafalka ee dawladda Kuwait, gurmadka ay ka soo qaybgaleen iyo ballanta ay qaadeenba.

12994425_948197511960769_1517794371449219696_n

12994463_948197555294098_7403818185823403850_n

13000128_948197608627426_1077509328700190361_n

13007220_948197818627405_1525795185619670408_n

13012896_948197728627414_1382885806454567385_n

13015327_948197675294086_2430918057343869939_n

13043430_948197721960748_4708911614237486708_n

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
Latest News