Haqabtirenews.com
LIVE SUUQA KALA IIBSIGA: Higuain, Walcott, Ibrahimovic, Pato, De Bruyne oo suuqa saaran -Maxaa ka cusub kooxdaada maanta oo Axad ah???
April 17, 2016 - Written by admin
">

Asc, kulan wacan aqristayaasheena sharafta badan meelkasta oo aad joogtaan kusoo dhawaada wararkii ugu  dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooy iyo sheekooyinkii ugu sareeyay wargeysyada.

Jose Mourinho ayaa kalsooni ku qaba inuu noqon doono tababaraha soosocda Manchester United xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu £ 70m kusoo qadan doonaa weeraryahanka Napoli iyo Argentine Gonzalo Higuain, oo 28 jir ah. (Sunday People)

Brazil weeraryahankeeda Alexandre Pato, oo 26 jir ah, ayaa jeclaan lahaa inuu sii joogo Chelsea marka uu dhameysto amaahda uu kaga soo maqan yahay Corinthians (ESPN Brasil, via Sunday Express)

Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic, oo 34 jir ah, ayaa wadahadalo kula jira Manchester United isagoo lagula saxiixan karo £ 600,000-isbuucii. (Corriere dello Sport, via Star on Sunday)

xiddiga England Theo Walcott, oo 27 jir ah, ayaa doonaya in uu ka tago Arsenal ka dib markii kaliya lagu soo bilaabay  hal kulan oo Premier League tan iyo dhamaadkii January. (Sunday Mirror)

Sam Allardyce ayaa u sheegay saaxiibo u dhaw inuu iscasilayo haddii kooxdiisa  ulaabato heerka labaad xilli ciyaareedkan (Sunday Mirror)

xiddiga Belgium Kevin de Bruyne ayaa sheegay inuu u sheegay milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich inuusan ka helin wax cadaalad ah Bules (Star on Sunday)

Tababaraha England Roy Hodgson ayaa u sheegay weeraryahanka kooxda West Ham Andy Carroll, oo 27 jir ah, inuu isku diyaaariyo Euro 2016. (Sunday Mirror)

Ciyaartoyda PFA ‘u sharaxan N’Golo Kante, oo 25 jir ah, ayaa ku dhawaad u saxiixi karay West Ham ka hor inta uusan u dhaqaaqin Leicester City, sida laga soo xigtay macalinka kooxda Hammers Slaven Bilic. (Standard)

Leicester ayaa dooneysa weeraryahanka Pescara ee 22-gool dhaliyay Gianluca Lapadula, iyadoo madaxweynaha kooxda Serie B ,xididgan 26-sano jir ah uu donayo in la iibiyo (ITASportpress, via Mail on Sunday)

Manchester United iyo Chelsea ayaa xiddiga diirada u saran yahay Mauro Icardi, oo 23, jir ah oo kuguma dayn doonaanwaxa uu doonayaa inuu sii joogo kooxda Inter Milan xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo tababare Roberto Mancini oo doonayo inuu kusii haayo San Siro. (Sunday Express)

Watford ayaa £ 2m dooneysa in ay kula soo wareegto xiddiga Liverpool ee Jerome Sinclair, laakiin Crystal Palace iyo West Brom ayaa  19-sano jirkaan xiiso u qaba (Sunday Mirror)

Arsenal ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka qadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Granit Xhaka , inkastoo lacagta 23-sano jirkaan aan lagu heshiin (Mail on Sunday)

Tababare Arsene Wenger ayaa rajeynaya inuu keeno labo ciyaaryahan oo ka ciyaara La Liga waana Pablo Sarabia, oo 23 jir ah, iyo weeraryahanka Alvaro Vazquez,oo 24 jir ah (Don Balon via Metro)

suuuquuuu

COMMENTS
Latest News