Haqabtirenews.com
LAYAAB Xildhibaan Ka Tirsan Dowlada Hoose Ee Hargeysa Oo Seestay Dhul Dan Guud Ah Oo Laga Dhisaayey Garoon Kubadeed.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa difaacay si adagna u hor istaagay dhul garoon kubadda cagta ah oo ku yaala degmadda Axmed dhagax, gaar ahaan dhanka galbeed ee Masalaha, kaas oo uu si sharci darro ah birrihii garoonka uga furtay seesna ku wareejistay xildhibaan Saleebaan Dogox oo ka mid ah gollaha deegaanka Hargeysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


ugu celiyaan birrihii, sidoo kalena u calaamadiyaan cabirka garoonka oo si looga hir-geliyo dhimse garoon.Wasiirka dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane oo ay weheliyaan Wasiir xigeenkiisa, Agaasimaha guud, Agaasime waaxeedyadda wasaaradda iyo kooxaha heerarka labaad iyo saddexaad ee ka dhisan degmadda Axmed ayaa subaxnimaddii hore ee saaka tegay garoonkaas si ay dib

Dhulkan oo ah dhul ay wasaaraddu leedahay oo Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Xuseen Jiciir uu wasaaradda ciyaaraha ugu wareejiyay si ay garoon kubadda cagta ah uga dhisto, isaga oo sidoo kale u sharciyeeyay laakiin uu damcay Xildhibaan Saleebaan Dogox kaas oo si sharci darro ah u qorsheystay inuu dhisme ka dhisto.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan maanta halkan u joognaa inaanu difaacno garoonkan kubadda cagta ee ku yaala xaafadda Masalaha oo uu si sharci darro ay ku seestay xildhibaan Dogox oo ay weliba tahay degmaddii uu ka soo jeeday, waa wax la xumaado in dadkii ku soo doortay iska daa inaad wax u qabatidee aad damaacidid goobihii dhallinyaradu ku ciyaari lahayd. Dhulkan Maajar Jiciir ayaa wasaaradda garoon ahaan ugu sharciyeeyay, waana mid cid walba ogtahay oo aan la iska indho tiri karin, waxaana naga go’an inaanu dhallinyarada meel ay ku ciyaaro la’a in garoon uga dhisno”.

Sidoo kale Agaasime Dhabeeye waxa uu baaq u diray Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Duqa caasimadda iyo bulshadda reer Axmed Dhagax, waxaana uu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Maayarka caasimadda iyo cidkasta oo ay arrintani khusayso in la difaaco goobaha dhallinyarada loo qorsheeyay, oo la dhiiri-geliyo si ay ciyaaruhu uga hor istaagaan tahriibka iyo balwadaha”.

 


Ugu dambeyntii Wasiir xigeenka ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Faarax ayaa qalab ciyaareed guddoonsiiyey kooxihii ku sugnaa garoonka, iyaga oo ay halkaasi ka hadleen  qaar ka mid ah ciyaartoygii kooxaha, waxaanay hoosta ka xariiqeen inay difaacan doonaan garoonkooda waxaana ay sidoo kale burburiyeen seeskii uu ku wareejiyay xildhibaan Dogox.Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaankii degmaddii laga soo doortay uu dhaco garoomadii ciyaalku ku ciyaari lahaayeen “Waxaan ku baaqaya cid kasta inay arkaan xildhibaanadii caasimadda loo soo doortay inay boob ku hayaan dadkoodii, weliba ay ka xishoon waayeen goobihii ay dhallinyartu ku ciyaari lahayd. Annigu wiil aan dhalay uma dhicinayo garoonkan, ee waxaan u dhicinayaan dhallinyarada, gaar ahaan reer Axmed Dhagax oo xildhibaankii laga soo doortay ayaan weliba uga difaacaynaa inuu boobo” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

COMMENTS
Latest News