Haqabtirenews.com
Karim Benzema Oo jabiyay Rekoodhkiisii Ugu Fiicnaa Ee Gool Dhalinta La Ligaha Isaga Oo Kulankii Getafe Gaadhay Heerkiisii Gool Dhalineed Ee La Ligaha Ugu Saraysay Abid.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Gooldhaliyaha kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa jabiyay rekoodhkiisii ugu fiicnaa  La Ligaha isaga oo xili ciyaareedkan soo badhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa todobadii xili ciyaareed ee uu Santiago Bernabue joogay. Bilawgii xili ciyaareedkan Rafael Benitez ayaa sheegay in uu Benzema ka doonayo 25 gool oo La Ligaha ah laakiin Benzema ayaa gool dhalintaas u jira 3 gool oo kaliya kadib markii uu shabaqa ka soo taabtay kooxda Getafe.

Benzema ayaa sidoo kale kulankii Getafa ka sameeyay laba gool caawineed. Xidiga ree France ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay jabiso ismari waagii Getafe taas oo markii danbe keentay in Los Blancos ay 5:1 ku xaaqday kooxda Getafe, waxayna guushani Madrid ka caawisay in ay si ku meel gaadh ah hal dhibic ugu soo jirsado hogaanka La Ligaha.The Frenchman smiles and celebrates after the opening strike, which was his 22nd goal in 23 La Liga games this season

Benzema ayaa xili ciyaareedkii 2011/2012 kii Real Madrid horyaalka uga dhaliyay 21 gool laakiin waxa uu hadda yeeshay 22 gool waana heerkiisii ugu fiicnaa todobadii xili ciyaareed ee uu Santiago Bernabue joogay. Xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid waxa uu Benzema la Ligaha ka dhaliyay 8 gool oo kaliya, halka uu xili ciyaareedkiisii labaad ka dhaliyay 15 gool. Sare u socodkiisa ayaa sii socday wuxuuna xili ciyaareedkiisii saddexaad dhaliyay 21 gool waana rekoodhkiisa uu hadda jabiyay.Striker Karim Benzema gave Real Madrid the lead on the half-hour mark after meeting a perfect cross from James Rodriguez

Xili ciyaareedkiisii afraad ee Madrid xidiga ree France ayaa hoos u soo dhacay wuxuuna dhaliyay 11 gool oo kaliya halka uu xili ciyaareedkiisii shanaad uu dhaliyay 17 gool.Markale Benzema ayaa xili ciyaareedkii hore la Ligaha ka dhaliyay 15 gool laakiin xili ciyaaredkan oo ay wali hadhsan yihiin 5 kulan ayuu magiciisa ku qoray 22 gool.Benzema was in yards of space and was able to finish easily  to continue his prolific campaign for Zinedine Zidane's side

GOOL DHALINTII KARIM BENZEMA EE LA LIGAHA IYO WAAYIHIISA CIYAAAREED EE MADRID:

 

Xili ciyaareedkii :2009-2010: 8 gool
Xili ciyaareedkii :2010-2011: 15 gool
Xili ciyaareedkii :2011-2012: 21 gool
Xili ciyaareedkii :2012-2013: 11 gool
Xili ciyaareedkii :2013-2014: 17 gool
Xili ciyaareedkii :2014-2015: 15 gool
Xili ciyaareedkii :2015-2016: 22 gool (shan kulan ayaa hadhsan)Getafe-Real Madrid

Karim Benzema ayaa Real Madrid ku soo biiray sanadkii 2009 kii isaga oo kaga soo biiray kooxda Lyon isaga oo 66 gool u soo dhaliyay kooxda Lyon kadib markii uu 148 kulan uu u soo ciyaray. Benzema ayaa 311 kulan oo uu u saftay Real Madrid ku dhaliyay 159 kulan oo tartamada oo dhan ah. Getafe-Real Madrid

Xili ciyaareedkii 2011/12 ayaa ahaa xili ciyaareedkii uu goolasha ugu badan ka dhaliyay tartamada oo dhan wuxuuna dhaliyay 32 gool. Xili ciyaareedkiisii ugu xumaa waxa uu ahaa 2009/10 kii markaas oo uu 33 kulan ku dhaliyay 9 gool oo kaliya oo tartamada oo dhan ah.

 

COMMENTS
Latest News