Haqabtirenews.com
in la nasin doono Ronaldo. awooda kooxdiisa, waxa uu ka filan karo kulamad soosocda, dagaaalka ay kujiraan & Hamiga La Liga ayuu ka hadlay macalin Zidane.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Zinedine Zidane ayaa sheegay inuusan nasasiin doonin Cristiano Ronaldo inta uu socdo dagaalka Real Madrid ay ugu jirto laba koob xili ciyaaredkan.

Ronaldo ayaa dhaliyay hat-trick cajiib ah kulankii kooxdiisa ay kasoo noolaatay 2-0 lugta hore ee wareega quarter-finalka Champions League ku qaarajisay kooxda Wolfsburg oo wadar ahaan 3-2 wadar looga badiyay garoonka Santiago Bernabeu.

Zidane oo nasiyay xididgaha kale ee kooxda sida Gareth Bale iyo Karim Benzema, ayaa shaaca ka qaaday inuusan marnaba dooneynin inuu fariisiyo Ronaldo oo gool ka dhaliyay ciyaartii xalay ee Getafe.

kabtanka Portugal ayaa dhaliyay 31 gool oo La Liga ah xilli ciyaareedkan ,Macalinka ayaana sheegay inaysan jirin sabab ku qasbeysa in ay nasiyaan hadda xiddigooda ugu muhiimsan.

“Waxaan nastay Karim iyo Gareth laakiin Ronaldo maya,” Zidane ayaa u sheegay suxufiyiinta. “Waxa uu si fiican u ciyaaray markasta oo ay kooxda u baahneyd.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay guushii aan ka gaaranay Getafe,” ayuu yiri. “Waxa aan jeclaan laheyn inaan ku guuleysano kulamada noo harsan oo dhan.

COMMENTS
Latest News