Haqabtirenews.com
Guus Hiddink oo xaqiijiyay sababtii ay Man City u xasuuqday Chelsea
April 17, 2016 - Written by admin
">

Guus Hiddink ayaa aad uga xumaaday guul-darradii 0-3-ka aheyd ee ay Chelsea kala kulantay Manchester City,kulan ka tirsanaa horyaalka.

Sergio Aguero ayaa saddexley ka dhaliyay kooxda martida loo ahaa oo ay ka taallo xilli cayaareedkan, xilli karka Cas loo taaggay Thibaut Courtois.

Hiddink ayaa BBC u sheegay: “Xilli cayaareed xun ayay ku jirtaa Chelsea. Inkastoo ay kooxda kasoo kacday halka looga haro horyaalka haddana weli dhibaato xoggan ayay qabtaa”.

“Ma awoodo inaan mar waliba abuurno fursado badan, sidookale daafaceena ayaa aad u xun, waana sababta aan dhibbane u nahay”.

“Aad ayaan u niyad-jebinay taageerayaasha, waana u sheegay cayaartoyda in aysan naga badinin Man City,laakiin ma dhicin sidii aan doonaayay”.

” Naf ma aheyno, masaaskiin ayay noqotay Chelsea” sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Hiddink.

Guus Hiddink

COMMENTS
Latest News