Haqabtirenews.com
Ugu dambeyn Sir Alex Ferguson oo ogolaaday in Jose Mourinho la wareego shaqada Manchester United – Goorma ???
April 17, 2016 - Written by admin
">

Sir Alex Ferguson ayaa ugu dambeyntii albaabka u furay Jose Mourinho inu la wareego shaqada  garoonka Old Trafford xagaaga dambe.

Tababarihii hore ee Manchester United, oo 74 jir ah, ayaa diidanaa inuu ninka reer Portugal booska kala wareego macalinka Holland- iyadoo lagu soo waramayo in xubnaha guddiga la shaqaya iyo Sir Alex Ferguson ay u ogolaadeen Mourinho shaqada Manchester United.

Sida laga soo xigtay ilo kusugan United, Ferguson iyo xulafadooda gudaha ayaa rajaeynaya in imaanshiyaha Mourinho ay noqto tan ugu dhaqsiyaha badan.

Mourinho iyo Ferguson ayaa xiriir ixtiraam uu u dhaxeeya waxaana hadda muuqata qorshaha ugu weyn eee keenista Mourinho inuu ka shaqeynayo Sir Alex Ferguson.

yyy

COMMENTS
Latest News