Haqabtirenews.com
DHACDO LA YAAB LEH Daawo Daanyeer Baxsad Ah Oo Khal-khal Galiyay Magaalo Ku Taala Dalka Japan.
April 17, 2016 - Written by admin
">

Daanyeerkaani aadka u weyn ayaa qalqal galiyay xasiloonida magaalada Yagiyama ee dalkaasi Japan, kadib markii uu kasoo baxsaday goob lagu xanaaneyn jiray looguna daawasho tagi jiray.

Daanyeerkanai ayaa dhowr saac dul socday guryaha, goobaha shaqada iyo tabeelayaasha kala gubiya korontada ee magaalada Yagiyama ee dalkaasi Japan.

Daanyeerkaani oo magaciisa lagu sheegay Cha Cha, ayaa isku dayay inuu dilo dhowr qof oo uu ka cabsi qabay inay qabtaan, waxaana markii danbe soo weerartay dhowr qof oo ka shaqeyneysay goobta uu kasoo baxsaday kuwaasi oo gacanta ku dhigay.

Daanyeerka ayaa goortii gacanta lagu dhigay waxaa lagu qaaday gaari ambalaas ah, kaasi oo lagu geeyay goobtii uu kasoo baxsaday.

daan1Japan Runaway Chimpdaan3daan4.jpgdaan5

COMMENTS
Latest News