Haqabtirenews.com
SIYAASAD: Maxaa ka jiro in Mohamed Salah laga soo Tarxiilli doono Talyaaniga???
April 16, 2016 - Written by admin
">

Wakiilka Mohamed Salah ayaa beeniyay in wiilkan reer Carbeed laga masaafurin doono dalka Talyaaniga. Khilaaf siyaasadeed oo ku saleysan Wariye la dilay ayaa ka dhaxeeya dalka Masar oo uu kasoo jeedo Salah iyoTalyaaniga.

Saxaafadda qaar ayaa qortay in xiriirka kubadda cagta Talyaaniga uu kooxda Roma ku amri doono inay baabi’iso qandaraaska Mohamed.

““Mohamed Salah waxaa uu ku faraxsan yahay Rome, iyo nolosha caasimadda ” Ramy Abbas oo ah wakiilka Salah ayaa qoraalkan soo dhiggay bartiisa bulshada ee Twitterka.” Waa been wararka sheegaya in Roma ay bur-burin doono hehsiiska Mohamed”;

Salah ayaa xagaagii hore qaab aamaah ah uga teggay Chelsea oo leh milkiyaddiisa, markaasoo uu ku biiray Fiorentina,laakiin markii dambe uu u wareeggay Roma.

Salah-Roncaglia490epa_3

COMMENTS
Latest News